Luis Enrique oo 41-jir ah waa Laacib si weeyn loogu soo xasuusto Qaranka Spain iyo kooxda Catalonia Fc Barcelona.
Xiddigaan ayaa waxaa si toos ah loogu magacaabay inuu noqdo Macalinka cusub ee kooxda As Roma oo in mudo ah isku dhex yaac iyo Tababare la,aan eheeyd.
As Roma oo ka dhisan Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga waxaa Macalin u ahaa mudo kooban Weeraryahankoodii hore Vincenzo Montella oo Shaqada Tababaranimo bishii Febraayo ee sanadkaan kala wareegay Macalin Claudio Ranieri oo xilka laga xayuubiyey.
*** Kulamo ka tirsan is reeb reebka koobka Qaramada yurub ee Euro 2012 oo la ciyaaray ayaa waxaa soo baxay ama markoodii 7-aad badiyey Xulka Qaranka Germany oo 1-3 ku soo suuldaaray Aserbajaan.
Jamalka oo hogaanka u hayo Guruub-ka A ayaa waxaa uu 7-kulan aruursaday 21-Dhibcood halka Qaranka biljemka iyo Turkiga oo ku soo xigo eey kala wataan min 11-Dhibcood iyo 10-Dhibcood. Goolasha Germany ku badisay waxaa u kala saxiixay Laacibka kooxda Real Madrid Mesut Mustafa Ozil Daqiiqadii 30-aad, Xiddiga Fc Bayern Munchen Mario Gomez Daqiiqadii 41-aad., iyo Xiddiga da´da yar A. Schürrle Daqiiqadii 93-aad.
Jarmalka wexeey Guruubkaan isku jiraan dalalka Biljemka, Turkiga, Austria, Aserbajaan & Kasakhistan. Ciyaartii Aserbajaan Vs Germany ayaa Ciyaartooyda wexeey isku akeen qaabkaan :
Aserbajaan:Agajew - Malikow, R. F. Sadigow, V. Husejnow, Allahverdijew - Abuschew - Ismajilow (58./Isajew), Amirgulijew, Tschertoganow (87./R. A. Sadigow), Nadirow - Cawadow (72./M. Husejnow).
Germany: Neuer - Höwedes, Badstuber, Hummels, Aogo - Lahm, Kroos - Müller (88./Holtby), Özil (81./Götze), Podolski (76./Schürrle) - Gomez. HALKAAN KA DAAWO : http://www.youtube.com/watch?v=8VZNoRnqPlE .
*** Dhanka kale Ciyaar adag oo Guruubka E dhex martay dalalka is neceb ee Sweden Vs Finland ayaa waxaa Dhulka la la simay oo 5-0 Jihada looga dhumiyey Qaranka Findland oo xulka Sweden marti u ahaa.
Ciyaartaan waxaa Halyeeygii Garoonka noqday Laacibka Ac Milan & Qaranka Sweden Zlatan Ibrahimovic oo 3-ka mid ah Goolashaas dhaliyey halka labada kale eey kala raacsadeen Ciyaartooyda kala ah Källström & Bajrami. HALKAAN KA DAAWO : http://www.youtube.com/watch?v=lwIoRI7e6W0 :
Guruub-kaan E waxaa si xarago leh 6-kulan oo eey dheelaan wada badiyey ama ku hogaaminaayo 18-dhibcood Qaranka Oranjiga Holland halka Sweden oo ku soo xigto eey ka leedahay 6-Kulan oo eey ciyaareen 15-Dhibcood.
Wararka kulamadii la ciyaaray iyo dhibcaha Xulalka dib ayaan idinkala socod siin doonaa haduu Rabi Raali ka noqdo +Barnaamishka La Yaab Sport.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com