Kooxaha Real Madrid, Man Utd iyo Juventus oo Hogaanka u qabtay liiska Lacagihii baxay & Kooxo waa weeyn oo Weli Shar la aamusan ,*Kooxda Sunderland oo kacsan lana wareegtay Fadhi kudirirkii Man Utd,* Saxaafada Argentina oo Qarankooda Caay dabada u qabtay,* Juventus oo Mucjisadii Qadka dhexe soo wadata (Akhri Liiska kooxaha Lacagta quuray & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News).
Waxaa weli is gaad gaad iyo wada tashi hoose uu ka taagan yahay Suuqa kala iibsiga Ciyaartooyda caalamka oo gaaray heer eey kooxaha waa weeyn Ciyaartooyda ku kala hor maraan ama si hoose ula xiriiraan.
Waxaa weli Shib ah kooxo waa weeyn oo eey ka mid yihiin Fc Chelsea, Fc Liverpool, Inter Milan ,Fc Barcelona iyo Arsenal London oo macnahooda loo gartay (Af daboolan Dahab). Kooxahaan shaki kuma jiro ineey Laacibiin badan soo wataan iskana iibin doonaan kuwa hada u ciyaara inkastoo qaar kooxahan ka mid ah eey heeystaan Xiddigo ku filan sida Fc Barcelona.
Liiska cusub ee la soo saaray waxa uu cadeenayaa kooxaha kacsan ee dhanka Kawaanka Ciyaartooyda si fiican uga faaideeystay weliba Ciyaartooy badan iska fasaxay halka eey soo xero galiyeen kuwo cusub .
Kooxaha ilaa iyo hada lacagta quuray soona iibsaday Ciyaartooyda cusub wuxuu Liiskooda u kala horeeyaa sidan.
1-Man Utd 57,3 Milyan oo Euro.
2-Real Madrid 55 Milyan oo Euro.
3-Juventus 49 Milyan oo Euro
4-Ac Milan 45 Milyan oo Euro
5-Fc Genoa 33,4 Milyan oo Euro.
6-SSC Napoli 32,4 Milyan oo Euro.
7-Fc Malaga 31 Milyan oo Euro.
8-Fc Bayern Munchen 30,6 Milyan oo Euro.
9-Sunderland 20,5 Milyan oo Euro.
10-Fenerbahce 19,7 Milyan oo Euro.
*** DHANKA WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY NAGU SOO GAARAYAAN SIDAN:
*** Waxaa markii ugu horeeysay Xil adag oo muhiim ah farta laga saaray Laacibkii weeynaa ee Caalamka soo maray waa Ciyaaryahan Zinedine Zidane oo ka tirsanaa Maamulka kooxda Real Madrid.
" Zinedine Zidane hada iyo waxii ka biloowda ma ahan Maamulka kooxda Real Madrid oo kaliyah balse waa Club Direktor-ka kooxda Real Madrid ayuu yiri Boss-ka ama madaxa ugu sareeya kooxda Real Madrid waa ninka lagu magacaabo Florentino Perez.
Laacib Zinedine Zidane (Zizou) oo hada 39-jir ah waxaa lagu wadaa inuu shaqadiisa cusub bilaabo ama la wareego maalinta Isniinta ah ee soo socota haduu alle raali ka noqdo.
*** Kooxda Sunderland oo kacsan Horyaalka England ee Premier League iyo Ciyaartooydii Man Utd oo dhankaas u dhaqaajiyey.
Sunderland wexeey soo iibsatay Difaacii kooxda Shayaadiinta cas cas waa Ciyaaryahan Wes Brown oo 31-jir ah wuxuuna u saxiixay heshiis 4 sano ah.
Waxaa sidoo kale ku soo biiray kooxdaan Xiddiga Qaranka Irland iyo ManU John O'Shea oo 30 sano jir ah. Sunderland oo ayaantaan kacsan iskuna aragtay Lacag fara badan waxaa horyaalka Ingiriiska looga yaqaan (Black Cats).
*** Saxaafada Sportiga ee dalka Argentina ayaa Qarankooda Fadeexo iyo caay raaxada uga qaaday waxaana ka mid ah erayadii ama Ciwaankii iyo Maqaalkii eey ka qoreen sidan ,, Wax matarayaal , Calooshood u shaqeeystayaal iwm" .
Dhamaan shacabka dalka Argentina wexeey ka xumaadeen Fursadaha Dahabiga ah ee uu Qarankooda ka dhumiyey koobkii 43-aad ee Copa America oo si xiiso leh uga socda dalka Argentina. Laacibiinta & Ciyaartooyda uu Hogoomiye kooxeedka ka yahay La taliye sare Leo Messi labo kulan oo eey safteen Bareejo ayeey galeen waxaana lagu wadaa halka kulan ee u harsan hadeey badin waayaan ineey Rajadii koobka halkaas ku soo xirantay Filimkooda uu Eeeeey cunay.
Ciyaartooyda Argentina waxa lagu heeystaa oo mar kasta lagu eedeeyaa waa iyaga oo Kooxaha horyaalada Yurub si wacan ugu ciyaara halka Qarankooda xiliyada eey u ciyaarayaan Guuldarooyin eey dhabarka u saaraan wadamo Ciyaarta kubada cagta aan wax awood sidaas ah ku laheeyn.
*** Kooxda Juventus waa naadiga ugu hanashada badan Horyaalka Talyaaniga ee Serie A wexeeyna hada qarka u saaran tahay ineey maalmaha soo socda soo xero geliso Mucjisada Baalaha Qaranka Brazil & Olympique Lyon Michel Fernandes Bastos.
*** Maalqabeenkii u dhashay dalka Qatar ee iibsaday kooxda Malaga ayaa waxa uu soo bandhigay inuu Lacag aad u fara badan oo 35-Milyan oo Euro ah uu ku doonaayo Xiddiga Qaranka Holland iyo kooxda Inter Milan waa Wesley Sneijder .
Maamulka kooxda Inter Milan weli kama soo bixin wax jawaab ah wuxuuna Maalqabeenkaan iskugu geeyey kooxda Malaga Laacibiin fara badan oo dunida caan ka ah.
*** Xiddiga Qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid Ricardo Kaka waxa uu markii 2-aad ku celiyey inuusan meelna uga socon kooxda Real Madrid oo uu la sii joogi doono. Kaka waxaa Toosh ka daba wato oo aad ugu baahan Ex-kooxdiisii hore waa Ac Milan, Manchester City iyo Inter Milan.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com