
(Barnaamishka
LA YAAB SPORT waxa uu soo raadiyaa dhacdooyinka dhanka Sportiga ugu hadal heeynta badan) !! Tv-ga ZDF-ka dalka Jarmalka ee aalabaa soo daaya Habeenka eey soo galeeyso Axada Mucjisooyinka ugu yaabka badan ee ka dhaca Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta ayaa markaan waxa uu soo daayey Eey ka yaabsaday intii daawaneeysay Barnaamishkaan.
Eeeygaan waxaa lagu magacaabaa Robby waana 4-sano jir ku nool magaalada Dortmund oo ku taal Gobolka Gelselkirchen ee dalka Germany. Eeygaan Robby lagu magacaabo waxaa iska leh oo soo Tababartay Haweeney 28 jir ah oo lagu magacaabo Analisa.
Robby waxaa la soo saaray Maslaxaha Showga Tv-ga ZDF-ka oo eey xiligaas si Live ah u daawanayeen Dad lagu sheegay 346 Qof halka Dunida eey kala socdeen Dad Malaayiin kor u dhaafay.
Wareeysi dheer oo uu Wariyihii Tv-ga la yeeshay Analisa oo ah Haweeneeydii Eeyga Robby soo tababartay wuxuu Wariyihii meel ka baxsan halkii eey taagnaayeen ku Safay 11-Maaliyad ama Funaanadood oo ah midabka eey ku ciyaaraan kooxaha ugu caansan Horyaalada Yurub.
Maaliyadaha kooxaas ayaa wexeey kala ahaayeen sidan : Fc Arsenal, Fc Barcelona, Man Utd, Juventus, Fc Chelsea, Fc Bayern Munchen, Ac Milan, Borussia Dortmund
, Inter Milan ,Real Madrid iyo Fc Schalke .
Analise oo korka ku heeysatay Eeygaan Yaabka badan ee lagu magacaabo Robby wexeey ku tiri sidan : " Robby waxaan kaa doonayaa Funaanadaha halkaas yaala inaad hal hal iigu soo qabato waa Maaliyadii aan magaceeda ku dhawaaqo,, Eeygii ayeey Analisa dhulka dhigtay wuxuuna isku diyaariyey inuu balanta Analise fuliyo.
Analise ayaa tiri waxaad ii soo qabataa Maaliyada kooxda Fc Arsenal,, Eeygii oo ku orday goobtii lagu Safay Funaanadaha kooxaha horyaalada Yurub ugu caansan ayaa Afka waxa uu ku soo qaaday Maaliyadii kooxda Arsenal ka dibna wexeey hal hal ugu dirtay Maaliyadaha kooxaha kala ah Fc Barcelona, Man Utd, Juventus, Fc Chelsea, Fc Bayern Munchen, Ac Milan, Borussia Dortmund
, Inter Milan ,Real Madrid iyo Fc Schalke .
Eeygaan Tababaran ee dhanka ciyaaraha kubada Cagta dadka ka yaabsaday ayaa ugu dambeeyntii waxa uu isku qalday Funaanadaha kooxaha Fc Chelsea iyo Maaliyada Fc Schalke oo dhanka midibka Buluuga ah aad iskugu eg . Robby Fc Chelsea horay ayuu u soo qabtay balse Su´aashii ugu dambeeysay oo eheed ii soo qabo Funaanada Fc Schalke ayuu Robby qalad sameeyey ka dib markii uu Afka ku soo qaaday mar 2-aad Funaanada Fc Chelsea halka laga doonayey Maaliyada Fc Schalke.
Analisa oo qaadan leheed Lacag 40-kun oo Euro ah wexeey qaadatay ama ku guuleeysatay 20-kun oo Euro maadaama Eeygeeda Robby uu hal qalad sameeyey.