MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Dagaalka Yeman oo ka darnaan doona kii Liibiya & Syria ka dib markii eey fooda is dareen Ciidamada dalka Yeman oo Marqaansan Qaadna afka uga buuxo iyo Shacab badan oo iyagana Qayilaad ka soo kacay (Halkaan ka Daawo Yaabkaan iyo Warar kii Caalamka ugu waa weeynaa oo Xul ah) !!
*** Dhamaan inta badan Saxaafada Caalamka waxaa la iska tusay Ciidamada dalka Yeman ee Difaacaya Dawlada Madaxweeyne Ali Abdalle Saleh oo Afka Qaad uga buuxo kuwaas oo mararka qaar dhinaceey doonaan rasaasta u tuuraya (Marqaan?).
Laakiin waxaa arintaas ka sii darnaaday markii eey Muuqaalka Kaamerada qabatay dad ka mid ah Banaanbaxayaashii oo iyagana Daanka ama Afka uu Qaad uga buuxo kuwaas oo la sheegay iney si toos ah uga soo kaceen halkii eey ku Qayilayeen weliba Marqaanka uu tusay sidii eey uga qeeyb qaadan lahaayeen Banaanbaxyada looga soo hor jeedo Dawlada 30-jirsatay ee Mr.Saleh.
Dalka Yeman waxaa si weeyn looga cunaa Qaadka wuxuuna ka joogaa Qiimo la sheegay ineey xitaa Caruurta ka iibsan karaan Dariiqyada inkastoo eeysan ku dhafrin Yemaniinta sida Soomaalida waxaana Sun daran lagu sheegay Qaadka Soomalida eey cunto oo ah Miiroowga laga keeno dalka Kenya halka Qaadka Yeman ka baxo uu yahay mid la mid ah nuuca Hareeriga ah ee laga cuno dalka Itoobia.
Durbadiiba Saxaafada wadamada Carabta wexeey sheegeen in Qalalaasaha mar labaad ka soo curtay dalka Yeman uu wax badan ka darnaan doonaa Qalalaasihii ka dhacay dalalka Masar,Tunisiya,Syria iyo Liibiya maadaama Dadka banaanbaxaya iyo Ciidamada hortaagan eey u badan yihiin Dad Qaad afka ku wada heeysta (Yaab)
Halkaan ka Daawo Yaabkaan & Qaadka Afka uga buuxo labada dhinac http://www.youtube.com/watch?v=opbSIm1VF0w
*** Suudaan oo la kala jaray Koonfur iyo Waqooyina loo kala qeeybiyey & Heshiiskii Xuduudaha oo la kala saxiixday. War Soomaalooy is daaya (Halkaan ka Daawo kala Faquuqaan)
Caalamka waxaa soo baxay Sharciyo cusub oo labadii heshiin weeysa lagu kala Faquuqaayo waxaana taas kuu cadeeneeyso Dalweeynihii Suudaan oo maanta wixii ka biloowdo labo xuduud leh weliba labo Ciidan iyo labo Sharci oo kala duwan qaatay.
Koonfurta Suudaan waxaa loo calaamadeeyey Masiixigii halkaas ka Dagaalami jiray iyo Ex-Falaagadii Sudan People's Liberation Army (SPLA). Shacabka Koonfurtaas dega maanta wexeey la bexeen ama Caalamka uga mid noqdeen magac cusub oo ah South Sudan.
Tani wexeey digniin u tahay Shacabka Soomaali oo aan la garaneeyn waxa eey mudo 20 sano ah Rafaadka iyo Dilka iskugu hayaan.
Dhagaha Soomaalida maanta waxaa ka dhamaan la erayo cusub oo aad moodid qolo kasta ineey Qandaraas ama hala heeys ka dhigatay si eey ugu jahwareeriyaan Shacabka Soomaaliyeed ee awalba Madaafiicdu Jahwareerisay.
Erayada Dhegaha Soomaalida ku cusub ee kooxaha Siyaasada Soomaliya isku haya isku isticmaalaan ayaa waxaa u badan Hebel waa Murdat oo waa gaaloobay iyo Hebel waa Argagixiso oo qarax ayaa looga caal waayey. Walee Soomaaloow hadiinan is deeyn inteey goori goor tahay sida Suudaan ayaa la idiin kala Faquuqi doona .
Halkaan ka Daawo Saxiixa kala Faquuqa Suudaan http://www.youtube.com/watch?v=l5Z8qQORiso&NR=1 .
*** Xasuuq ba´an oo Yeman ka taagan iyo Madaxweeyne Ali Abdalla Saleh oo ku socda Wadadii Qaddaafi (Halkaan ka Daawo Shacabka Yeman oo la soo baxay Awood cusub)
Dhoor bilood ka hor ayeey eheed markii Madaxweeynaha dalka Yeman Mr.Ali Abdalla Saalah Hoygiisa magaalada Sanca lagu qarxiyey ka dibna loo la caray Isbitaalka Ciidamada Milatariga ee dalka Sucuudiga isaga oo nolol iyo Geeri u dhaxeeya.
Mudo ka badan 30-Sano ayuu Madaxweeyne ka yahay Xukuumada dalka Yamen wuxuuna Xabsi dheer ku hubsaday Mucaarad fara badan oo aad ugu kacsanaa. Ali Abdalla Saleh oo 69 jir ah wuxuu Talada dalka Yeman qabtay sanadkii 1978-kii wuxuuna ilaa iyo hada ku sugan yahay dalka Saudi Arabia tan iyo markii la qarxiyey ama la dhaawacay bishii Juun ee sanadkaan aanu ku jirno.
Shalay iyo maanta oo kaliyah Rabshadaha dalka Yeman ka soo labo kacleeyey waxaa ku geeriyootay in ka badan 33-Qof waxaana ku dhaawacmay dad lagu sheegay ineey Boqolaal kor u dhaafeen. Banaanbaxayaashaan oo la sheegay qaarkood ineey hubeeysan yihiin wexeey foowdada ka soo bilaabeen Magaalada Tais oo ku taal dhanka Koonfureed ee dalka Yeman.
Banaanbaxyadaan cusub ee dib u soo labo kacleeyey Yeman ayaa waxaa lagu sheegay ineey sabab u tahay Shacabka reer Yeman oo ka war helay inuu dalkaas ku soo fool leeyahay Madaxweeyne Ali Abdalle Saleh oo Dhaawicii loo geeystay ka soo bogsaday iyo sidoo kale Shacabka Reer Yeman oo Telefishinada caalamka ka daawaday Qadaafigii dalka Liibiya oo xukunka xoog looga tuuray kaas oo wax badan ka awood badnaa Madaxweeyne Ali Abdalle Salah.
Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Yeman Mr.Abubakr Abdallah al-Kerbi oo iminka ku sugan Magaalada Jeneeva ee dalka Switzerland waxa uu difaacay Dawlada Yeman wuxuuna sheegay Dadka la laayey ineey ahaayeen kuwo Hubeeysan oo dagaalami rabay.
Halkaan ka Daawo Shacabka Yamen oo Dagaal u soo jeestay http://www.youtube.com/watch?v=f98Sf-69R2Y .
*** Xoogaga Qaddafi oo awood cusub la soo baxay, Ciidamada Mucaaradka oo gebi ahaanba laga soo saaray Magaalada Sirte iyo Gaandhariyaasha oo hal hal loo toogtay (Halkaan ka Daawo sida loo Qiyaanay Mucaaradka )
Dagaal waa duli oo marna waa Guul marna Guuldaro ayuu dhabarka kuu saarayaa. Ciidamada Mucaaradka dalka Liibiya oo hubkii Qaranka Liibiya u gacan galay ayaa wax eey guuleeystaanba markaan waxaa la tusay xanuunka eey leedahay Guuldarada.
Mucaaradka Liibiya wexeey inta badan ka soo sifeeyeen Gobolada iyo Degmooyinka dalka Liibiya Ciidamadii u dagaalamayey Ex-Madaxweeynihii hore ee dalka Liibiya Mr.Mucamar Al-Qaddaafi oo diiday inuu xukunka dalkaas sahal ku dhiibo isaga oo soo hayey mudo 42-sanadood ah.
Dagaalkii lagu sheegay inuu noqon doono kii ugu dambeeyey ayaa waxa uu shalay iyo Maanta ka socdaa Magaalada Sirte oo ah halka eey ku xoogan yihiin Taageerayaasha Mr.Qaddafi waana magaaladii uu ku dhashay kuna soo bar baaray Mucamar Al-Qaddafi.
Shalay Gelinkii hore waxaa xoogaga Mucaaradka loo dhigay Qiyaano la la yaabay ka dib markii Rassas looga soo riday Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Sirte oo ku yaalo dhanka Waqooyi ee banaanka magaaladaas waxaana halkaas iskaga cararay xoogagii Qaddafi oo dabin ama Sir la damacsanaa Ciidamada Mucaaradka oo intooda badan aan laheeyn wax Tababar Milatary ah.
Xalay saqdii dhexe ilaa maanta Duhurnimadii waxaa ciidamadii Mucaaradka ahaa ee shalay magaalada Sirte galay lagu soo dhigay Kabteey ma aragtay ka dib markii looga soo baxay Jihooyin cusub oo horay eey u sii diyaarsadeen xoogaga Qaddafi waxaana Gaandhariyaashii Mucaaradka hal hal u toogtay Qoriga loo yaqaan Dhashiikaha oo saaran dhamaan Taangiyada eey wataan Xoogaga Qaddafi oo leh Tababar Milatary.
Raga Gaandhariyaasha ah ee la toogtay wexeey u badnaayeen kuwii Ciidamada Mucaaradka u ridi jiray Qoryaha Ridada dheer ee loo yaqaan Zuu-ga & Shilkaha.
Dhanka kale Magaalada kale ee Bani Waalid ayaa sidoo kale waxaa weli gudaheeda ku sugan oo ka dhex Dagaalamaya Taageerayaasha Mr.Qaddafi halka magaalada Sabha Deegaano ku xeeran laga qabsaday Xoogaga Qaddafi waxaana goobahaas lagu soo qab qabtay Ciidamo asal ahaan ka yimid Qaarada Africa kuwaas oo inta badan u Dagaalama Muamar al-Qaddafi.
Halkaan ka Daawo Guuldarada Mucaaradka dhabarka loo saaray http://www.youtube.com/watch?v=deZIcd5-MF8