Mucjisooyinka Caalamka: " Weli ma dhicin Tv Sidaas u been badan ee yaa waxaan naga qabta ayuu yiri Saxafi Sport oo u dhashay dalka Yemen >> Mucaaradkii ugu tirada badnaa dalka Yeman oo Banaanbax iskugu soo baxay iyo Telefishinada Caalamka oo soo bandhigay Koofiyadihii Saraakiishii lagu laayey Guriga Madaxweeyne Cali Cabdalla Saalax (Halkaan ka Daawo)þ
Dadkii ugu tirada badnaa intii uu socday Dagaalka looga soo horjeedo Madaxweeynaha dalka Yeman Mr. Cali Cabdalla Saalax ayaa iskugu soo baxay inta badan magaalooyinka waa weeyn ee dalka Yeman.
Isku soo bixitaanka Dadkaan iyo Dabaaldegooda ayaa la sheegay ineey ugu wacneed balantii uu Tv-ga Qaranka Yeman ku sheegay in Madaxweeyne Cali Cabdalla Saalax oo dalka Sacuudi Carabiya Daaweeyn ugu maqan uu dib ugu soo laaban doono dalka Yeman Maalinta Qamiista ah oo ku beegneed doraad.
Tv-ga Qaranka Yeman ayaa waxa uu sameeyey dhoor been oo intooda badan la iskaga daba yimid waxaana ugu darnaa oo eey Saxaafada Caalamka si weeyn u daba dhigatay ka dib markii uu soo tabiyey in Dhaawicii loo geeystay Madaxweeyne Cali Cabdalla Saalax uu ahaa mid Firir yar ah oo aan aheeyn wax sidaas u sii weeyn halka Mucaaradka ku kacsan eey soo bandhigeen Sawira muujinaya inuu Maaxweeyne Cali Cabdalla Saalax weerar kaas lagu qaaday Hooygiisa uu ku waayey qaar ka mid ah Xubnaha Jirkiisa.
Arintii ugu yaabka badneed ayaa noqotay markii eey Telefishino badan oo Dunida caan ka ah sida CCN, BBC,ZDF, NBC iyo Fox eey soo bandhigeen Koofiyadihii Saraakiishii Milatariga ee ku la´day Duqeeyntii Guriga Madaxweeyne Cali Cabdalla Saalax oo dhulka daadsan halka Tv-ga Qaranka Yeman uu horay u shaaciyey ineey Duqeeyntaas ku Geeriyoodeen 7-Qof oo u badnaa shaqaalihii Guriga Madaxweeynaha.
Wararka is burinaya ee Tv-ga Qaranka Yeman oo la is kaga daba yimid ayaa xaqiiqada wexeey tahay inuu ugu yaraan Madaxweeyne Cali Cabdalla Saalax soo gaaray Dhaawac culus oo sababay in loo la cararo Isbitaalka Ciidamada Milatariga ee dalka Saudi Arabia. Halkaan ka Daawo Fadeexada Dhacday http://www.youtube.com/watch?v=u6RNxlCMy-o&feature=related
Filo sidoo kale maanta Barnaamishka La Yaab iyo Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News+Kawaanka Ciyaartooyda.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com