La Yaab : Maxaad ka taqaan Ciyaaryahan Somaalida inta badan isir xumeeyaan? (Halkaan ka Daawo Goolasha Ciyaaryahanka)
Xiddiga Kooxda Fc Liverpool iyo qaranka Israel balse hada amaah ugu wareegay Kooxda Chelsea Yossi Benayoun ayaa ka waayey Taageerayaasha Kubada cagta ee Soomalida hadalo wanaagsan ama mid la mid ah kan eey ugu yeeraan Laacibiinta kale ee Horyaalada Dunida ka dheela.
Marka aad joogtit meelaha Ciyaaraha laga daawado ama eey u badan yihiin Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Kubada cagta xiiseeysa ayaa waxaa dhagahaaga ku soo dhacayo hadalo la yaab badan oo eey is weeydarsanayaan Taageerayashaas kubada cagta ee Soomaaliyeed.
Hadaladaas ayaa waxaa ka mid ah sidan : ( Fernando Torres waa la badalay, Yaa lagu badalay?..Waxaa lagu badalay Yahuudka !...Dirk Kuyt weey ka Jiiftaa maanta oo si fiican uma dheelaayo, Aaway Yahuudkii maa lagu badalo?...Yahuudkii waa dhaawac lama safi karo maanta....Wigan, Man Utd iyo Chelsea yaa mar walba Goolsha ka dhaliyo??, Waxaa ka dhaliyo Yahuudka....Maanta Liverpool weey badin kartay hadii uusan Yahuudka na qaasarin laheeyn....Haa waan la socdaa, Yahuudka 2-Gool oo aan caadi aheeyn ayuu naga cunay !!! .
Hadaladaas kala duwan Akhristoow ma ahan kuwo dhagahaaga ku cusub ayaan jeclahay maxaa yeelay Cunsurinimada eey Taagerayasha kubada cagta ee soomaaliyeed u isticmaalan Ciyaaryahan Yossif Benayoun ayaa ah mid aan geed loogu soo gamban.
Mala socotaa Akhristoow in Dhalinyarada Taageerta Kubada cagta in eey aad u wada yaqaanaan Ciyaaryahan kasta Magaciisa oo buuxo sida marka eey leeyihiin Fernando Torres, Dirk Kuyt, Cesc Fabrigas, Weyne Rooney, Frank Lampard iwm halka eey Yossi Benayoun magaciisa ku soo koobayaan YAHUUDKA.
Erayga Yahuud ayeey soomaalida u adeegsataa wax alle iyo wixii Xumaan ah Sida iyaga oo mar mar isku caayo qaabkaan ( Bax waryaa Yahuud ayaad tahay, Yahuudii ku dhashay Cun, ..kaas waa eey Yahuudi ah iwm)
Ugu dambeyntii waxaa taas mid ka duwan qabo ZAKI KHAN oo Taageere u Jalbeeysan Kooxda Fc Liverpool ah.
Zaki Khan ayaa yiri sidan: ( Ma wanaagsana in Ciyaaraha la dhex keeno Erayo Diimeed iyo kuwo siyaasadeed maxaa yeelay maba isla wada socon karaan, kii Siyaasad Jecel Siyaasadiisa ha dhex Dabaasho, kii arimo Diimeed wadana umadiisa wax ha ugu qabto ee yuusan ka dhigin mid dad lagu caayo ama wax kale loo adeegsado oo Neceeb sii abuurto. Ugu dambeytii waxa uu Zaki khan yiri : (Kala saar Sportiga iyo arimaha kale), kii Banooni xiiso u qabo ha ku raaxeeysto Ciyaaraha isaga oo qofna Cunsuriyeen ama caayin !