DHAGAJUUN : Gnegneri Yaya Toure oo Gacanta ku dhigay abaalmarinta Laacibka Sanadka ee Qaarada Africa (Yuu kaga guuleeystay Xilkaan adag?)
Xiddiga Qaranka Ivory Coast iyo kooxda Manchester City ee Horyaalka Ingiriiska Gnegneri Yaya Toure ayaa waxaa si toos ah loogu Caleemo saaray Laacibka Jakada Qabiirka cusub ee Qaarada Africa.
Ciyaaryahan Gnegneri Yaya Toure wuxuu Xilkaan kaga guuleeystay Xiddigihii la tartamayey oo kala ahaa Andre Ayew oo Qaranka Ghana iyo kooxda Olympique Marseille ee dalka Faransiiska u safta weliba Isbuuc ka horna BBC-da qeeybteeda Sportiga Jago nuucan u dhiganta u magacoowday iyo Madaalaha kooxda Fc Barcelona iyo Qaranka Mali Seydou Keita.
Laacib Gnegneri Yaya Toure waa Xiddig 28-jir ah oo dhanka Qadka dhexe aad ugu wanaagsan waxaana inta badan adag Darbooyinka uu soo tuuro sida lagu qabto taas oo sababtay inuu laf dhabar u noqdo Xulka Qaranka Ivory Coast iyo kooxda Manchester City oo hada hogaanka u heeysa Horyaalka dalka Ingiriiska.
ABAALMARINTA XIDDIGA SANADKA EE QAARADA AFRICA AYAA SANADIHII UGU DAMBEEYEY WAXAA LOOGU KALA GUULEEYSTAY QAABKAAN :
2010 - Asamoah Gyan (Sunderland & Ghana)
2009 - Didier Drogba (Chelsea & Ivory Coast)
2008 - Mohamed Aboutrika (Al Ahly & Egypt)
2007 - Emmanuel Adebayor (Arsenal & Togo)
2006 - Michael Essien (Chelsea & Ghana)
2005 - Mohamed Barakat (Al Ahly & Egypt)
2004 - Jay Jay Okocha (Bolton & Nigeria)
2003 - Jay Jay Okocha (Bolton & Nigeria)
2002 - El Hadji Diouf (Liverpool & Senegal)
2001 - Sammy Kuffour (Bayern Munich & Ghana)
2000 - Patrick Mboma (Parma & Cameroon)
*** Kooxda Fc Barcelona ee Horyaalka La Liga oo Ciyaarrtay kulan ka tirsan Koobka dalka Spain wexeey 9-0 ku suul daartay Naadiga L'Hospitalet oo ka ciyaara Horyaalka Spain Qeeybtiisa 3-aad waxaana goolashaas dabaaldega ah u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Thiago Alcantara (23., 55./Rigoore), Cristian Tello (43., 64.), Isaac Cuenca (49., 81.) Pedro Rodriguez (12./Rigoore), Andres Iniesta (19.) iyo Qarshada Qadka dhexe Xavi Hernandez (36.)
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)