Yaxaas Baahi la il´daran oo Masas ku Quraacday iyo Suntii Masaska oo Yaxaaskii saaqday (Intaas ka dib maxaa dhacay Halkaan ka Daawo)
Horaa loo yiri Ninkii soo joog laga waayo soo jiifo ayaa laga helaa.Yaxaas Wabiyeed-ka loo yaqaan Kaiman oo Baahi la il´daran ayaa waxa uu ka dhergay Masas Sun ah oo ugu dambeeyntii ku qasabtay Yaxaaskii inuu si tartiib ah oo Naf la caari ah dib ugu laabto Wabigii uu ka soo weerar tagay.
Yaxaaskaan intii uu Cunayey Masaska wexeey iskugu dareen Qaniinyo iyo Sun halis ah maxaa yeelay Sunta Maska xitaa hadii ay Maroodi qaniinaan Ruux beni´aadan ah iska daayee waxaa dhacdo inuu Maroodiga dhaqaaqi waayo weliba saacado badan ay Korantada ka tagto.
Xayawaanaadka kaliyah ee Masaska Dili kara waa Libaaxa iyo Shabeellka wexeeyna labaduba Maska uga istaagaan ama Dilkiisa ka bilaabaan Madaxa kore.Yaxaaskii Masaskaan cunayey wuxuu Qaniinyada ka bilaabay dhexdii Maska taas oo sababtay in Maskii uu isa soo laabo ka dibna dhoor jeer Qaniinyo qabadsiiyo Yaxaaskii.
Dhamaan Xayawaanaadka waa weeyn marka ay baahan yihiin Masaska ma cunaan weeyna ka leexdaan inta badan balse lama oga waxa Yaxaaskaan baahan ku kalifay inuu Masas ku soo Quraacdo. Ugu dambeeyntii Yaxaaskii Sunta Masaska gaartay ayaa Biyaha Webiga ku dhex cararay waxaana iska cad inuu Biyaha Webiga ku dhex xijaaban doono.