Xayawaanaadka kuwooda ugu halista badan Dunida marka ay fooda is daraan ma jirto cid kala dhicin karta balse waxaa ka sii daran Xayawaanaadkaas oo hadana baahan. Yaxaaska marka uu Cunto ku filan ka waayo gudaha Wabiga ama Bada waxa uu u soo qaraab tagaa Bariga oo inta badan uu ka helo wax uu Laqo.
Libaaxa hadii uu Baahi dhoor maalmood ah dareemo waxaa isna dhankiisa ka dhamaada Dulqaadka wuxuuna ku siktaa Xitaa Caruurtiisa yar yar inuu ku Qadeeyo ama ku Quraacdo.
Aqoonyahan ku taqsuusay Libaaxyada iyo Yaxaasyada oo lagu magacaabo David Moore una dhashay dalka Canada wuxuu sheegay ineey aad u adag tahay in la arko Dagaal dhex mara Libaaxa ama Yaxaaska oo labaduba lagu tiriyo Xayawaanaadka Dagaalka badan ee dagaalama ilaa inta ay ka Dhimanayaan.
Sababta aan inta badan loo arag Dagaal dhex mara Libaaxa iyo Yaxaaska ayuu Aqoonyahankaan waxa uu ku sheegay Xayawaanaadkaan oo ah kuwo ka kala qaraabta Barig iyo Biyaha waana Xayawaanaad aan muuqaal ahaan is aqoonin.