Yaxaas 5-Maalmood gudahood Weerar kulul ku haayey Dalxiisayaal oo ugu dambeentii isna Silsilad lagu dilay ka dib markii uu sabab u noqday 5-qof oo dhaawac culus ah & hal qof oo dhintay.
Nawaaxiga Magaalada loo Dalxiiska tago ee Sharm El-Sheikh ee wadanka Masar ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka taagnaa cabsi weeyn oo la soo gud boonaatay Dadweeynaha goobahaas u soo dalxiis tagay ka dib markii Yaxaas la la yaabay cabsi la´aantiisa uu kalyanti ka dhigtay dadka halkaas u soo dalxiis tagay.
Yaxaas kaan ayaa mudo 5-maalmood ah hadba dhinac ka soo weeraraayey dadka Dalxiisayaalka ah waxaana ugu dambeeysay weerarkii uu ku soo qaaday Dalxiisayaal u dhashay ama ka soo kala jeeday dalalka Russia & Ukrain oo uu ugu dambeentii Qaniinyo ku dilay Haweeneey lagu sheegay ineey 70-jir eheed isaga oo ka qaniinay gacanta Midig wuxuuna sidoo kale dhaawacyo adag u geeystay Qooys u dhashay dalka Ukrain oo uu haweenay hada loo la cararay Isbitaalka weeyn ee Magaalada Qaahira gaarsiiyey dhaawac labo meelood ah.
Yaxaaskaan oo sababay in mudo 48-saacadood ah la xiro qaar ka mid ah Hoteelo caan ah oo ku ag yaalay halkii uu shanta maalmood dhibaatada iyo weerarada ka waday ayaa ugu dambeentii waxaa lagu guuleeystay in isna la soo qabto oo Silsilad weeyn lagu dilo. Mucjisadaan oo uu soo tabinaayey Tv-ga RTL ayaa waxaa magaca Yaxaaskaan Miciyaha waa weeyn lagu sheegay (Hai) nuuciisa midabka cad.