Iskoorka Yaxaaskii ugu weeynaa uguna Dhirirka badnaa Dunida oo Gacanta lagu soo dhigay isaga oo nool (Daawo Sawirada Boqolaal dad ah oo Jiidi la) !!
Magaalada Bunawan oo ku taal dalka Philipiin waxaa lagu soo qabtay Yaxaaskii dunida Taariikh ahaan ugu weeynaa uguna dhirirka badnaa. Yaxaaskaan oo eey soo qabteen Badmaaxayaal u dhashay dalka Philipiin waxaa hogaaminayey nin lagu magacaabo Rollie Sumiller oo sheegay mudo 20 sano ah inuu Badmaaxe ahaa weligiisna Nolashiisa uusan Riyada nuucaan ah arag.
Iskoorka Yaxaaska ugu weeyn Caalamka waxaa horay u heeysatay oo soo qabtay Dalka Australia wuxuuna Dhirirkiisa ahaa 5,48-Mitir halka Iskoorka Yaxaaskaan cusub lagu sheegay dhirirkiisa 6,20-Mitir. Yaxaaskaan oo da´diisa lagu qiyaasay ineey kor u dhaafeeyso 20-sano waxaa Goobtii la keenay iskugu soo baxay Boqolaal Shacab ah oo ka qeeyb qaadanayey Jiiditaankiisa.