Tv-ga Barcelona oo Muuqaal yaab badan soo daayey " Taksiile qaaday Laacibiinta Qaranka Argentina & Fc Barcelona Javier Mascherano iyo Lionel Messi ayaa ugu dambeeyntii Taksiilihii wuxuu ku dhagay oo yiri ma dhaqaaqi kartiin suga wax yar Laacibiintii uu Gaariga ku soo kaxeeyay . (Halkaan ka Daawo Yaabka dhacay)
Ugu horeeyntii Raali gelin ku socoto Akhristayaasha ku xiran www.xiriiriye.com ka dib war Cilad farsamo ah oo naga qabsatay War bixintii ku saabsaneed Qeeybtii 2-aad ee Faaqidaada koobka Champions League oo meel qaldan nooga dhacday (Mar labaad Sorry intii ay Ciladaas qabsatay marka xigta waxaan Mahad celin hawada u soo marineeynaa Akhristayaashii sida Geesinimada ah E-mailada noogu soo cudur daartay) !!
*** Kooxaha kubada Cagta kuwooda ugu Tunka weeyn Qaarada Yurub wexeey leeyihiin Telefishino u qaas ah oo inta badan soo bandhigo wax alle iyo wixii ku cusub kooxda ama Mucjisooyinka qabsada Ciyaartooyda.
Telefhinka qaaska ah ee kooxda Fc Barcelona oo lagu magacaabo Baraca Tv ayaa waxa uu soo daayey qiso dad badan oo jecel Ciyaarta Kubada cagta ka yaabsatay!!! .
Qisadaan ayuu Tv-ga Barca Ciwaan uga dhigay sidan " Stop Stop ha isku dhaqaaqina , i suga wax yar inta aan Taksiga ka soo dagaayo,,
Sidaas waxaa yiri Rafael oo ahaa Nin Taksiile ah oo weliba Gaarigiisa ama Taksigiisa ku qaaday Laacibiinta Qaranka Argentina iyo kooxda Fc Barcelona waa Javier Mascherano iyo Lionel Messi .
Taksiilahaa oo ka daba qeeyliyeey Xiddigahaan markii ay Gaarigiisa ka degeen wuxuu ku yiri ama u dhiibay Telefoonkiisa gacanta isaga oo leh sidan " Iga raali noqda marka ugu horeeysa, marka xigta waan idin garanayaa oo Laacibiin caan ah ayaad tihiin waana ii dhuumateen, Fadlan waxaan idinka doonayaa inaan Sawir idinla galo si aan u tuso Wiilkeeyga oo Ciyaaraha Kubada cagta ku waalan in kastoo uusan iga yeeli doonin inaan Lionel Messi iyo Javier Mascherano la kulmay oo weliba aan Sawiro la soo galay,,
Javier Mascherano iyo Lionel Messi oo yaaban ayaa yiri sidan " no problem, you're welcome,, Intaas ka dib Leo Messi wuxuu garan waayey sida wax loogu Sawiro Telfonkii gacanta ee uu watay ninka Taksiilaha ah maadaama Leo Messi uu u bartay ama isticmaalo Telefoono casri ah.
Ugu dambeeyntii Ninkii Taksiilaha ahaa oo faraxsan ayaa yiri sidan " Thank you, Sawiradaan Taariikhiga ah waxaan ugu faani doonaa Taksiilayaasha kale ee aanu Saaxiibka nahay waxaana sidoo kale Ciyaalka Iskuulka ugu faani doono wiilkeeyga Ilyaas,,
Arinta ugu yaabka badan wexeey noqotay Taksiilaha soo qaaday Laacibiintaan waxaa laga soo wacay Xarunta Shirkad uu u shaqeeyo waxaana laga qariyey inuu qaadi doono Laacibiin caan ah.
Ciyaartooyda Caalamka isma sheegaan marka ay Bulashada ku dhex jiraan waxaana dhacda inta badan ineey Dadka ku dhex dhuuntaan si aan loogu soo yaacin ama Boqolaal qof watiga uga qaadin iyaga oo Sawira la galaya !.
Halkaan ka Daawo Qisadii Taksiilaha >>> http://www.youtube.com/watch?v=Wt7w26-BqWE&NR=1
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com