LA YAAB : Kabteeyda ma aragtay ayaa ka dhacday >>> Cunsuriyiin Hubeeysan oo horay u Dishay 10 Qof & Haweeneey Booliis ah ayaa lagu weeraray dalka Jarmalka waxaana Duntay oo Gubatay goobtii eey ku dhuuman jireen (Halkaan ka Daawo) .
Cunsuriyiin Hubeeysan oo horay u Dishay 10 Qof & Haweeneey Booliis ah ayaa lagu weeraray dalka Jarmalka waxaana Duntay oo Gubatay goobtii eey ku dhuuman jireen (Halkaan ka Daawo) .
Ciidamada Booliiska dalka Jarmalka ayaa maalintii 3-aad wexeey Howlgal saf balaaran ah kula dhaqaaqeen Cunsuriyiin nuuc cusub ah oo la magac baxday (Neo-Nazis).
Cunsuriyiintaan oo is qarin jiray ayaa Ciidamada Amniga ee dalka Jarmalka wexeey xaqiijiyeen ineey ka dambeeyeen Dilka 10 Qof iyo Haweeneey ka tirsaneed Ciidamada Booliiska dalkaas. Dilalkaan qorsheeysan oo dhacay ka soo biloow Sanadkii 2004-kii ilaa 2010-ka ayaa dadka la Dilay 9 ka mid ah wexeey ahaayeen Turki ka shaqeeysan jirtay gudaha dalka Jarmalka halka Ninka kale uu u dhashay dalka Giriiga.
Sidoo kale Guruubkaan la magac baxay Neo-nazis wexeey dileen haweeneey 22 jir ah oo ka tirsaneed Ciidamada Booliska dalka Jarmalka waxaana lagu magacaabi jiray inantaas Michaela Kiesewetter.
Goobtii lagu weeraray Cunsuriyiinta waxaa laga soo helay Hub aad u fara badan oo eey ku qarsan jireen halkaas waxaana Gubtay oo dumay Gurigii lagu weeraray Cunsuriyiintaan oo la sheegay ineey ka koobnaayeen Rag iyo Dumar diidanaa joogitaanka dadka Turkiga ah ee ku xoogan gudaha dalka Germany.
Arinta ugu yaabka badan wexeey noqotay goobtii lagu weeraray Cunsuriyiinta waxaa laga soo helay Cadeeymo muujinaya ineey weerareen 13-Jeer Bangiyo kala duwan si Shacabka dalka Jarmalka ugu maleeyaan Foowdada ineey ka timid dhanka dadka Ajaanibta ah ee ka shaqeeysta gudaha Jarmalka .