Daanyeer ka yaabsaday Dunida oo idil iyo Caalamka oo u qiray Daanyeerka inuu yahay Xayawaanaad aad u dhib badan (Halkaan ka Daawo Yaabka uu dhigay).
Xayawaanaadka Dunida ku nool mid kasta waxaa loo qirsan yahay in uu meel uun ku wanaagsan yahay ama ka xun yahay.Daanyeerka waxa uu ka mid yahay Xayawaanaadka inta badan dadka ku dhex dhaqma ee aanu laheeyn cabsida marka laga reebo mararka qaar oo uu qaniino Caruurta dhibka u geeysata ama Seenta ku dhegta.
Daanyeerada ugu yaabka badan dalka Somalia waxeey ku nool yihiin inta u dhaxeeysa Degmada Shalambood ilaa Afgooye waxeeyna marka ay baahan yihiin jidka u galaan Gawaarida Xamuulka ah ee magaalada Muqdisho u soo qaado Mooska kuwaas oo inta badan Mooska kala dega waa marka uusan Gawaaridaas dusha ka saarneen Kirishbooyga.
Daanyeerka wuxuu nafta ku dhibaa ama ku dheel dheelaa Xayawaanaadka kale, xitaa ma cafiyo BeniŽaadamka oo mararka qaar uu ku ciyaaro ama tuso wax dadka ka qosliya. Daanyeerada ugu halista badan Dunida waxeey ku nool yihiin dalalka Cameroon iyo Kongo waxaana lagu magacaabaa Gorilla Gabujo.
Dalka Cameroon waa wadanka ugu caasan ee sida weeyn looga cuno Hilibka Daanyeerka waxeeyna Shacabka dalkaas Daanyeerka u ugaarsadaan sida Sagaarada oo kale taas oo sababtay inuu Daanyeerka u kala yaaco dhulka Keeymaha jiqda ah ee aanu soo gali karin Dadka.
Dalalka Carabta iyo India waxaa laga jecel yahay Daanyeerka waxeeyna u xiiseeyaan sida Soomaalida oo kale mana jirto dhib loo geeysto marka laga reebo in la xabiso oo la xanaaneeyo mooyaanee.Daanyeerada ugu yaabka badan ee Dadka ka qosliya waxeey ku nool yihiin Waqooyiga dalka India iyo Koonfurta dalka Bangaladesh.
Mid ka mid ah ah Daanyeerada ku nool Waqooyiga dalka India waxa uu korka ka fuulay Neef RiŽah ka dibna isagii oo RiŽdii dusha ka saaran ayuu Seenta iyo Dhegta ku dhegay Waxarihii RiŽda. Ugu dambeeyntii Neefkii RiŽda ahaa oo si kasta iskugu dayday ineey iska Dajiso Daanyeerkaan Ciyaal suuqa ah hamigaas wuu u suurtoobi waayay.