La Yaab : Mohamed Madin/C.Ronaldo, Hassan Ayari/L.Messi,Wiilashaan yar yar ee qabsaday Saxaafada caalamka waxaa heerkaas gaarsiiyey Laacibka weeyn ee Zinedine Zidane( Daawo sida wacan oo eey Kubada walaal uga dhigteen & Canal Plus oo wareeysi la yeeshay)
Sida eey labadaan wiil kubada u fahmeen Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi uma fahmin markii eey saan u yar yareen maxaa yeelay ilaa 10_jir ama 12-Jir ayey ku soo caan baxeen sidaas waxaa yiri Laacibkii hore Ex-Player Michael Platini oo hada madax u ah Xiriirka Uefa ee Qaarada yurub.
2-daan wiil waxaa hada la kala wareegay Kooxaha waa weeyn ee Real Madrid iyo Barcelona wexeeyna ka soo baxeen Dugsi Kubada cagta lagu barto oo Laaciibka weyn Zinedine Zidane ka furay magaalada Nantes ee wadanka France.
Caruurta uu soo saaray Zidane oo aad ka dhex arki doontaan Muuqaalkiisa video-ga dhexdiisa ayaa aad u tira badan laakiin 2-wiil oo ka mid ah ilmahaas ayaa la soo baxay Mucjisooyinkii Zinedine Zidane, Cristiano Ronaldo, iyo Lionel messi waxaana lagu kala MagacaabaM Mohamed Madin & Hassan Ayari oo u kala dhashay Aljeeriya & Masar balse Dhalasho Faransiis heeysta.
Aqiyaar badan oo kubada Cagta si weeyn ula socon jirtay ayaa waxa eey la yaabi doonaan markeey arkaan Heestii uu jeclaa Zinedine Zidane oo ilmahaan loo qaadaayo si eey laacibiin waa weeyn u noqdaan . heestaan ayaa Zidane naftiisa uu aad u jecel yahay maxaa yeelay Nin Shaacir/Gabyaa weeyn ah oo Aljeeriya u dhshay ayaa si qaas ah ugu sameeyey Zidane....Heesta waxaa la yiraahdaa Laacib Caleek.
Akhristoow waxaanu shaki ku jirin sida loo qoray ilmahaan in Sanadka 2017 aad si weeyn Maslaxyada Kubada cagta uga daawan doontaan haduu alle raali ka noqodo.