Kulankii "El Clasico" intii uu socday oo lagu guuleeystay Heestii ugu horeeysay oo Xiriiriye-Sport loo qaado, Balantii qaar ka mid ah Akhristayaasha oo durba la oofiyey, Waa Maxay Erayga Xiriiriye? ( Halkaan ka Daawo Ciyaartooyda ugu kartida badan Horyaalada kana Dhageeyso Heesta Cusub+Wargelin) !
Bulshada Soomaaliyeed ee inta badan aan aqoonta buuxdo u laheeyn www.xiriiriye.com ayaa is weey diiso Su´aalo eey ka mid yihiin Waa kuma Xiriiriye? Maxaa loola jeedaa Xiriiriye iwm ?www.xiriiriye.com waa Warsidaha Sportiga ee Shacabka Soomaaliyeed, Waa Nabad u Tilmaamaha Dhalinyarada iyo tusiyaha Sportiga qiimaha uu leeyahay .Waa Xiriiriyaha Ciyaartooyda Caalamka kuwooda ugu caansan iyo Bulshada Soomaaliyeed ee Sportiga uu dhiigooda ku shaqeeyo.
Waxaa kaloo meesha aan ka mar neeyn kor u qaadista Fanka iyo Suugaanta kuwooda aan horay weli loo maqlin ee cusub sida Heestaan cusub ee Xiriiriye.com loo qaaday oo sabab eey u eheed Balanqaadkii aan la galnay qaar ka mid ah Akhristayaasha ku xiran Xiriiriye kuwooda ugu Tunka weeyn wuxuuna Balan qaadkaas ahaa in www.xiriiriye.com loogu tuuro ama loo sameeyo Hees macaan oo Sport ah.
Dabcan waanu ku qasbanahay inaan u sameeyno ama u oofino Fikradii wanaagsan ee nooga timaado Akhristayaasha maxaa yeelay Qalabka aanu ku shaqeeyno inta badan waxaa noogu deeqay oo nagula Dardaarmay inaan Bulshada Nabada, Sportiga & Fanka jecel ugu shaqeeyno Halyeey Knaan Cabdi Warsame oo ah Geesigii iyo Ruuxii Sumcada weeyn Gayigeena hooyo ee Soomaaliyeed u soo jiiday.
Mahadnaq waxaanu u soo jeedineeynaa Dhalinyaradii Heestaan soo dalbatay ama noo soo dirtay si aan u badalno oo Music cusub u saarno maadaama Heestaan Asal Sport tahay oo horay loogu qaaday xulka Qaranka Portugal xiliyadii uu Gooldhalinta World Cup u qaadi jiray Xiddigii iyo Laacibkii hore ee Qaranka Portugal Eusebio da Silva Ferreira waxaana ilaa iyo hada ku waalaan oo jecel Laacibiinta kala ah Cristiano Ronaldo, Luis Nani, Ricardo Carvalho, Hugo Almaida, Nuno Gomez , Fernando Meira, iyo Maniche oo dhamaantood goolasha eey dhaliyaan lagu codeeyo..
xiligii Heestaan la habeenayey ayaa waxaa si Live ah Studio-ga uga socotay ciyaartii Taariikhda gashay ee dhex martay kooxaha waa weeyn ee Fc Barcelona Vs Real 5-0 (El Clasico) waxaana suurto gal noqotay in Shaqada Heesta iyo Warar tabinta Xiriiriye la isku dhex wado. Musica Heesta ayaa waxaa ku Faro yareeystay Kooxda Walaalaha Sii Sii Somband. Codka, Miraha & Laxamka waa Tifaatiraha Xiriiriye.com Omar Ali Omar (Omar Sii Sii) Halkaan ka dhageeyso Heesta >> http://www.youtube.com/watch?v=BYIFqU_8TWc .