***Kooxda kubada cagta ee Fc Porto oo isku heeystay waxa loo yaqaan (Double) ayaa hada wexeey ku darsatay koobkii 4-aad oo xiriir ah. Double waa kooxda qaada horyaalka dalkeeda kuna darsata Koobka dalkeeda ka dib soo xera gelisa Uefa Champions League ama Europa League oo ah Ex Jabhadii Uefa Cup-ka.
Fc Porto oo Europa League qaaday kuna darsatay Horyaalka dalkeena iyo Koobka dalkeeda ayaa hada wexeey soo xera galisay Koobkii Super-Cup-ka dalka Portugal. Porto Ciyaartii Fiinaalaha Super Koobkaan wexeey 2-1 ku qaarajisay kooxda Vitoria Guimares.
Fc Porto waxaa labada gool u wada saxiixay Xiddig cusub oo lagu magacaabo Ronaldo Daqiiqadihii 3-aad iyo 41-aad waana markeedii 18-aad oo eey Super-koobaha dalka Portugal ku guuleeysato.
Halkaan ka Daawo Ciyaarta : http://www.youtube.com/watch?v=qDSj4VZ7kVo .
*** kooxda Man Utd oo koobka Community Shield ka qaaday dhigeeda Man City weli wexeey ku jirtaa Dabaal deg balaaran.
Man Utd oo 0-2 looga hormaray ugu dambeentii aaqurul saacii ciyaarta wexeey ka dhigeen 3-2. Labada Gool Man City waxaa u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Joleon Lescott daqiiqadii 38-aad iyo Edin Dzeko daqiiqadii 45-aad.
Ciyaarta qeeybteedii labaad markii la isku soo laabtay Man Utd oo dib isku soo abaabushay wexeey Ciyaarta ugu dambeentii u badshay 3-2. Goolasha ManU waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Chris Smalling oo paas qurxoon ka helay Ashley Young iyo Labada gool ee kale oo uu ku tuurtay Laacibka Qaranka Portugal
Luis Carlos Almeida da Cunha Nani. Koobka Community Shield 5-tii sano ee ugu dambeeysay waxaa 4 ka mid ah jeebka gashatay kooxda Shayaadiinta cas cas ee Man Utd. Dhanka kale Skysport oo soo duubay Ciyaartooyda Man Utd oo weli dabaal deg ku jira wexeey xili eey qubeeysanayeen raaxada iskaga qaadeen Biyo firdhis. Wayne Mark Rooney oo Skysport wareeysi dheer uu la yeeshay waxaanu SuŽaalihii iyo Jawaabihii ugu muhiimsanaa ka soo qaadaneeynaa 2 qodob oo kala ahaa sidan Skaysport : Man City Community Shield aad ayuu u anfici lahaa Taariikh ahaan soo maahan ? Wayne Mark Rooney " Dabcan laakiin labada kooxood la isma bar bardhigi karo maxaa yeelay Man Utd Koob xili walba weey qaadaa Man City-na waa Caag maran. Skysport :Yaya Toure kulamadii ugu dambeeyey Man Utd wuu saarnaan jiray ka waran Arintiisa?Wayne Mark Rooney " Wax uu saarnaan jiray ma jirto ManU laakiin kulankii Community Shield Yaya Toure Hawada ayaan ka qarinay Dhaq dhaqaaqii hore oo kalana waan u diidanay !!! *** Kooxaha Real Madrid iyo Fc Santos ayaa isku afgartay in Laacibka daŽda yar ee Qaranka Brazil iyo kooxda Fc Santos Neymar da Silva Santos Junior uu si rasmi ah ugu biiro kooxda Real Madrid Xili Qaboobaha soo socda kaas oo ku aadan Bisha Dizembar. Fc Santos wexeey shaacisay in eey Nafteeda u baahantahay Laacib Neymar si eey u ciyaarsiiso kulanka Kooxaha Dunida oo eey fooda is dari doonaan Fc Barcelona iyo kooxo kale oo aad u ad adag. Neymar da Silva Santos Junior Xiddigaan waxaa gambar gaaban ugu fadhiyey oo doonayey ineey la soo wareegaan inta badan kooxaha ugu Taajirsan Horyaalada Yurub. *** Macalinkii hore ee Qaranka Brazil Sebastiao Lazaroni waxaa looga yeeray oo shaqo laga siiyey Qaranka Qadar.Sebastiao Lazaroni ayaa la shaqeen doona Macalinkii xulka Ghana koobkii Addunka (2010) keenay kooxaha ugu dambeeya waa Tababare Milovan Rajevac oo u dhashay dalka Serbia. *** Goolhayaha Qaranka Germany ee dhawaantan ku soo biiray kooxda Fc Bayern Munchen Manuel Neuer ayaa waxaa uu suubiyey kulankiisii ugu horeeyey Qalad weeyn. Manuel neuer iyo kooxdiisa Bayern Munchen waxaa gurigooda 0-1 ku qararamsatay Kooxda Gladbach. Qaladka ayaa waxaa uu ahaa Manuel Neuer oo banaanka uga soo baxay goosha xili uu Boateng ku haleeyey inuu goosha ku jiray Halkaan ka Daawo Ceebta dhacday >>> http://www.youtube.com/watch?v=s4t-122s5b8 . *** Garoonka kubada cagta ee Mercedes-Benz-Arena oo ku yaal magaalada Stuttgart ayaa waxaa lagu wadaa in habeen dambe oo Arbaco ah sacaadu markeey tahay 20:30 hilafaha isku qaadaan Qaramada Germany Vs Brazil. Labadaan Qaran waxaa Taariikh ahaan adag Qaranka Brazil oo inta Badan Qararamsada Qaranka Jarmalka. *** Xiddiga Qaranka Spain iyo kooxda Fc Barcelona eey ku taagan LaŽaantiisna ineey dhaqaaqaan eey adag tahay Xavier Hernandez i Creus ayaa dhaawac uga Maqnaan doona Qarankiisa Spain Kulanka eey Talyaaniga yeelan doonaan Habeen dambe. Dhanka Ciyaaraha kubada cagta aad ayeey isku neceb yihiin Talyaaniga iyo Spain wexeeyna durbadiiba labadaan dal Telefishinadooda isku bilaabeen faan iyo inuu midba midka kale Cagaha ka tumi doono yacni dhibcaha ka tirsan doono. Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com