Caalamka oo soo bandhigay Qaraxii Muqdisho iyo Shabaab oo lagu eedeeyey ineey Qaraxyada u isticmaalaan Dad Maskax ahaan jiran (Halkaan ka Daawo Ceebta taagan) Bahda Xiriiriye.com oo Tacsi Tiiraanyo Xambaarsan u dirtay Ardaydii Qaraxaas ku Halaagsamtay iyo Shacabkii goobtaas lagu Xasuuqay (Inaa Lillahi wa Inaa ileeyhi Raajicuun)
Warar kii ugu yaabka badnaa ee Telefishinada Caalamku eey soo bandhigeen wexeey noqotay mid Murugo gooni ah xambaarsan maxaa yeelay qaar ayaa War bixinta Qaraxii Masiibada ahaa Ciwaan uga dhigay erayadaan :Dad waxaa la arkay dadkoodii oo Gaajo dariiqyada la yaala Qarxinaya : Qaraxii Somalia ka dhacay waxa uu Galafsaday Arday 70-ruux ka badan oo doonayey ineey wax soo bartaan ka dibna dalkooda dib u dhisaan : Qaraxii Muqdisho ka dhacay oo eey shabaab ku sheegtay waxa uu soo da dajinayaa Guuldarada iyo Naceeybka eey u qabaan Dadka Soomaliyeed kooxda Shabaab.
Waxaa sidoo kale laga daawaday War baahinta Caalamka Shaqsiga sheegta afhayeenka Shabaab oo leh anaga ayaa xasuuqnay dadkaan waxaana u soconay oo Qaraxa la rabnay madaxda Dawlada.
Ugu dambeeyntii war bixinta ayaa wexeey leedahay dadka loo adeegsado Qaraxyada Somalia waa Dad Maskaxaan jiran oo dhibaatooyin kala duwan eey ka soo Gaartay Dagaaladii ka dhacay dalka Somalia.
Qaar ka tisan Jaraaidyada Wadamada Carabta wexeey qoreen Madaxda Shabaabka isma Qarxiyaan ee wexeey inta badan adeegsadaan Dhalinyaro da´dooda lagu sheegay ineey ka yar tahay 25-jir. Qaraxa Musiibadaan haligay Arday faro badan oo Soomaaliyeed waxaa si weeyn u cambaareeyey madaxa ugu sareeya UN-ta Mr.Ban Ki-moon ,Jaamacada Carabta,Midawga Yurub iyo Dawlada Mareeykanka iyo wadamo badan oo Islaam ah sida dalalka Turkiga, Sucuudiga ,Maleeysia iyo Kuweeyit.
Bahda Sportiga ee Warbaahinta http://www.xiriiriye.com/ wexeey Murugada iyo Tiiraanyada Dadkii Masaakiinta ahee ee Goobtaas lagu Xasuuqay la qeeybsanayaan Shacab weeynaha soomaaliyeed gaar ahaan intii Naxariis iyo Damiir leh. (inaa lilaahi wa inaa Ileeyhi raajicuun)
Halkaan Daawo War baahinta Caalamka oo soo bandhigtay Qaraxii http://www.youtube.com/watch?v=UB2qRRZKpHk