XIRIIRIYE IYO SOO ARUURINTA MUCJISOOYINKA : Raisulwasaarha dalka Norway Jens Stoltenberg oo ka qeeyb galay Aaska Gabar Soomaaliyeed oo ka mid noqotay Dadkii lagu laayey Jasiirada Utoya ee dalka Norway (Halkaan ka Daawo) !!
Mona Abdi Nuur waa gabar somaliyeed jirtana 18 sano ayaa waxay ka mid noqotay dhalinyaradii uu ku laayey isbuucii la soo dhaafay Ninkii Cunsurigaa ahaa Jasiirada Utøya oo ku taal dalka Norway .
Raisulwasaarha Norway Jens Stoltenberg oo maantay ka qayb galay aaska gabadha ayaa u tacsiyeeyay hooyada gabadha dhashay isagoo qudbo u jeediyay Somalida iyo dadkii kale oo ka soo qaybgalay aaska. Jens waxuu sheegayay in Mona ay ahayd gabar furfuran isaga oo intaa sii raaciyay ama yiri sidan :
"Mona waxay u timid Utøya si ay u hesho riyadeeda. Waxay ahayd gabar furfuran oo laga jeclaa meesha eey joogto. Mona iyo dhalinyaradii kale ee la dilay waxay ahaayeen dhalinyaro siyaasada dhalin jiray meelna marin jiray. Monay waxay rabtay inay abuurto is dhex galka dhaqamada kala duwayn taa oo uu Breivik, dilaaga laayay 77-ka qof uu ka soo hor jeeday.
Raisulwasaaraha ayaa markaa ka dib la hadlay Mona hooyadeed oo la yiraahdo Hodan. Waxuuna ku yiri sidan "