Jawaabtii Hal Xiralaha iyo sida loogu kala baxay ka Akhri War bixinta gudaha kana Daawo Cadeenta Kooxda Horyaalka qaaday iyada oo Serie B ka timid weliba xili aan sidaas u fogeeyn <>.. Hal Xiraalaha Isbuucaan isku day inaad sheegto adoo ka fiirsaday cida uu noqon karo Xiddigan Afka hore saaran (Waxaad sheegtaa Ciyaar yahankaan Timaha dheer ee Garka leh Magaciisa & Kooxda uu hada u Ciyaaro??)
Run ahaantii waxa uu Xiriiriye.com ka daali doonin Aqoon is weeydaarsiga iyo Fikrad kala qaadashada dhex taal dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ee Dhiigooda uu ku Shaqeeyo Sportiga iyo horumarka Nabada.. (4-Ever !!)
Hadaanu u guda galno SuŽaashii Hal xiraalaha ee ugu dambeeysay oo aheeyd Waxaad sheegtaa koox inta eey Serie-B-da dalkeeda ka timid hadana si lama Filaan ah u qaaday Horyaalkii weeynaa ee dalkeeda..? Hadaba SuŽaashaan waxa eey Luuq gelisay oo runtii Laad ku cabtay Aqristayaashii Xooga ku heeystay Barnaamishkaan Hal Xiraalaha oo inta badan noo soo qoray ama ku soo Jawaabay in Kooxdaas eey tahay ama noqon karto kooxo eey ka mid yihiin Ac Milan, Ath.Madrid, Juventus, Wolfsbrug, Napoli, West Ham Utd iyo Depertivo La Cruna. Waxaas oo dhib ah maxaa geliyey Bahdaan Sportiga u Jalbeeysan maba foga oo xili dheer ma aheeyn kooxda Horyaalka dalkeeda Bililiqeeysatay iyada oo Qeeybtiisa 2-aad ka timid.
Kooxda Horyaalka dalkeeda qaaday iyada oo Serie B-da ka timid waa FC Kaiserslautern (Horyaalka Germany), Sanadkii eey qaaday waa 1997/98, Horyaalka dalkeeda waxaa looga yaqaan ilaa hada ama lagu naaneesaa (Roten Teufel ) macnaheeda waa Shayaadiinta cas cas, Magacaas wexeey iska mid ka yihiin kooxda Man Utd. Macalin/Tababare waxaa u ahaa xiligii eey sida layaabka ah ku qaadeen Horyaalka Bundesligaha dalkooda Qabiirka weeyn ee 4-tii Juulaay 2004-tii Rajadii dalka Portugal uu ebid Koob caalami ah ka lahaa dhulka la galay isaga oo watay xulka Qaranka Giriiga waa Otto Rehhagel oo loogu yeero Konnig Otto oo macnaheeda eey tahay Boqor Otto.
Otto Rehhagel waa Macalinka eey Sawirka kore kor u boo bootinayaan Xulka Qaranka Giriiga oo 2004-tii 0-1 ciyaartii Finaalka aheeyd ee koobka Qaramada Yurub ku suul daaray Qaranka Portugal oo ku ciyaarayey gurigooda. Hadaan u soo laabano qaabkii iyo sidii eey kooxda FC Kaiserslautern ku qaaday horyaalka dalkeeda iyada oo xiligaas ka timid Serie B-da Halkaan ka Daawo waxaadna ka aqoon doontaa Laacibiin badan oo caan ah weliba gadaal ka caan baxay ama hada ka duqoobay garoomada Caalamiga ah. Inta ka Daawo Qeeybta 1-aad iyo Qeybta 2-aad. >> http://www.youtube.com/watch?v=6G_ZOsPb1Cw&feature=related >> Qeeybta 2-aad inta ka daawo >> http://www.youtube.com/watch?v=HNoJb5rdk-g&feature=related.
Aqristayaashii awooda balaaran u isticmaalay SuŽaashaan Qabiiro badan Jooga ka riday iyo Akhristayshii kale ee noo soo qoray ineey iskaga nasiibsan doonaan kooxdaan soona saxay Jawaabta Hal Xiraalaha Isbuucaan ayaa waxa eey kala yihiin magacyadooda sidan:
1-Abdalla Sheikh Ali (Dhagnaas)
2-C/caziiz Axmed Geedi (Mataan Gureey)
3-Warsame Saalax Cabdi (Ribery)
4-Zamzam Bahdoon Yusuf (Arsenal)
5-Maxamed Deeq Cali Cumar (Deeqsom)
6-Maxamed Nuur Shaarkey (ManU)
7-Yuusuf Isaaq C/Nuur(Nuurka)
8-C/Wahaab Faarax Kheeyre (Ibra)
9-Saalax Imaan Wardheere (Saalaxeey)
10-Farxiyo Siciid Nuuriye (Ugaaso)
11-Cabdi Raxiin C/laahi Faarax (Raul)
12-Rashiid Saalax Xassan (Wiil Waal)
13-Deeq C/raxmaan Jeesow (Juve)
14-Fitaax Baashi Ciire (Ozil)
15-Ayuub Muumin Xuseen(Iniesta)
16-Fanax Cabdi Guutaale(Nasri)
17-Yaasiin Cabdi Samatar (Xavi)
18-Liibaan Diini CaawaleDiin Doon)
19-Ayuub Saalax Nuur ( Alex Del Piero)
20-Ilyaas Cali Yabaroow(Samatar Yare)
21-Duraan Wehliye Fareey (madbacada)
22-Cali Cabdi Barqadle (Messi)
Fiiro Gaar ah: Waxaa Hal Xiraalaha iyo Aqoon is weeydaarsiga Sport ee Isbuucaan soo qalday 64-qof oo eey ka mid noqdeen Qabqableyaashii Barnaamishkaan Aqoon is weeydaarsiga hor boodi jiray...
Raali gelin ku socoto dhamaan Bahda ku xiran Halxiraalaha iyo Aqoon is weeydaarsiga Sport maadaama Jawaabta Hal xiraalaha eey dib u soo dhacday, waxaana sidoo kale booska ka baxday SuŽaashii kale ee eheed soo sheeg Ciyaaryahanka ugu dheer iyo kan ugu gaaban oo ka dheela Horyaalka Ingiriiska una wada ciyaaro isla hal koox...SuŽaashaas Jaa dad ayaa soo qishay maadaama aan Jawaabta la soo daahnay waxaana hada ku badalnay midaan hoos ku qoran.
Waxaad sheegtaa adoo degan kana fiirsaday Xiddiga Boga afka hore ee Hal xiraalaha Sawirkiisu uu saaran yahay kooxda hada uu u dheelo magaceeda iyo isaga Magaciisa...Waa Xiddiga Garka leh Timaha dhaadheerna leh...Waxaa lagaa doonayaa Only Magaciisa iyo kooxda uu hada u ciyaaro (Mahadsanidiin)
Jawaabtaada noogu soo dir halkaan >>> xiriiriyesports@hotmail.com Waxaanu Jawaabta Hal Xiraalaha & Aqoon is Weeydaarsiga Sport soo deeyn doonaa haduu alle idmo Jimce 17.12.2010 >>> Good Lucky<<
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com