Gabar Gar & Shaarbo leh oo ka heesto mid ka mid ah Telefishinada dalalka Yurub ugu caansan iyo dadka qaarkiis oo marka eey Daawanayaan Gabadhaan Gacmaha afka saarto yaab dartiis (Halkaan ka Daawo) !!
Horaa loo yiri hadaad yaabto Yaasiinka .Conchita Wurst waa Gabar 22 jir ah oo asal ahaan u dhalatay dalka Colombia balsa ku nool kana heesta dalka Austria . Gabadhaan wexeey leedahay Gar iyo Shaarbo waxaana sidaas ku guursaday nin 30 jir ah oo lagu magacaabo Jacques Patriaque.
" Marka aan Heesaayo intii igu dhibsato Garka iyo Shaarbaha waan ka raali galinayaa oo ha ogaadeen ineey danta igu kaliftay maadaama aan Fanka iyo Heesaha aad u jeclahay ayeey tiri iyada oo ilmeeneeyso Conchita Wurst .
Conchita Wurst wexeey ku sheegtay wareeysi eey dhiibtay in ilaa yaraanteedii uu faro ba´an ku hayey Garka balse Sanadihii ugu dambeeyey eey isku aragtay Timaha Shaarbaha ah.
Inantaan lagu magacaabo Conchita Wurst oo ilmeeneeyso wexeey mar kale tiri sidan " Waxaan jeclahay inaan mar kaste iska Xiiro Garka iyo Shaarbaha igu yaal laakiin taas badalkeeda wexeey noqotay ineey igu sii bataan ayey tiri Gabadhaan oo dadka Telefishinada ka daawada Heesaheeda eey mar qura Gacmaha afka saarteen markeey arkaan iyada oo heeseeyso.
Horay ayaa loo maqli jiray Gabar Gar iyo Shaarbo leh balse weli lama maqal Gabar Gar iyo Shaarbo leh oo ka hor heesto Bulashada horteeda waxaana inta badan Gabadhaan heesaheeda soo daayo Tv-ga Orf.