***
Shacabka dalka Syria oo soo kacsaday ka dib markii eey arkeen riditaankii Mucamar Al Qaddafi oo saaid uga awood badnaa Madaxweeynaha Syria Mr.Bashar Al-Assad (Halkaan ka Daawo Syria oo Qas & Colaad la ciireeysa) Shacabka Syria ayaa markaan waxaa u dhiman oo kaliyah Qori caaradiis iyo Xabad ineey ka daba qaataan Madaxweeynaha dalka Syria Mr. Bashar Al-Assad oo u eg nin aan si sahlan ku dhiibi doonin Jagada Madaxtinimada dalkaas.
Mr. Bashar Al-Assad uma xuma sida Qaddafi oo kale maxaa yeelay dalka Syria wax yaabo fara badan oo dhanka dhaqaalaha iyo horumarka lagu soo xasuusto ayuu Syria ka fuliyey in kastoo Kacdoon Shacab uu wax walba ka awood badan yahay.
Banaanbax shalay ka dhacay caasimada dalka Liibiya ee Tripoli ayaa waxa uu noqday mid sii kiciyey xiisada ka aloosan dalka Syria ka dib markii Shacabkii Liibiyaanka ahaa ee banaanbaxayey eey hawada u soo mariyeen Shacabka Syria ineey markooda iska dul qaadaan heeryada dul saaran oo eey ula jeedeen Dawlada uu hogaamiyo Madaxweeyne Mr. Bashar Al-Assad.
Dagaalada iyo Qalalaasaha ka aloosan dalalka Liibiya & Syria ma ahan kuwo isku mid ah maxaa yeelay Shacabka Liibiya waxaa biloowgii Qalalaasaha mudo hada laga joogo 6-bilood gacanta u galay hub fara badan xili Shacabkaas eey Bililiqeeyteen Xeryihii Ciidamada ee ku yaalay magaalada Bengasi oo aad looga necbanaa Mr Mucamar Al Qaddafi wuxuuna Hubkaas sii dhalay hub kale oo fara badan kaas oo bil kasta laga furan jiray Xoogaga Mr.Qaddafi.
Shacabka Syria ma heeystaan Hub eey kula Dagaalamaan Xoogaga Mr.Bashar Al-Assad marka laga reebo Dhagaxaan iyo Tuuryo aan dhamaad leheen iyo Meeyd xambaaris wuxuuna Mr.Assad Shacabka Syria ka xiray oo Ciidamo xoogan uu dhigay Xuduudaha eey Syria la wadaagto dalalka Lubnaan iyo Turkiga si aan Shacabka Syria loo hubeeyn.
Halkaan ka Daawo Qalalaasaha Syria oo cirka isku shareeray 1 http://www.youtube.com/watch?v=TwCMVDthsRY&NR=1 Halkaan ka Daawo Qalalaasaha Syria oo cirka isku shareeray 2 http://www.youtube.com/watch?v=rzh7SoomyKM ***
Tiknikadii ugu badneed oo u dhaqaaqday dhanka magaalada Bani Waalid & wakhtigii loo qabtay Xoogaga Qadaafi oo dhamaaday (Halkaan ka Daawo Mucaaradka oo 15 Km u jira Bani Walid & Xabada oo socota)
Waxaa dhamaaday waqtigii loo qabtay ineey si Nabad ah isku soo dhiibaan Xoogaga weli u Dagaalamaya Mdaxweeynihii hore ee dalka Liibiya Mr.Mucamar Al.Qaddafi oo Talada dalkaas xoog looga tuuray.
Dhamaan Tiknikadii iyo qalabkii kale ee la socday Xoogaga Mucaaradka ayaa wexeey abaareen dhanka Magaalada Bani Waalid oo la xaqiijiyey inuu ku sugan yahay Wiilkii Aabihiis Qaddafi dagaalka ku qasbay ee lagu magacaabo Saif El Islaam.
" Waan ognahay halka eey ku sugan yihiin Saif & al-Saadi oo labadaba uu dhalay Qaddafi wexeeyna 2 cisho ka hor Telefoono aanu dhageeysanay kula hadlayeen Afhayeenadii Qaddafi nimanka Dambiilayaasha ah ee lagu magacaabo Mussa Ibrahim iyo Mansur Dau,, sidaas waxaa yiri Ali Tarhouni oo ka mid ah Hogaamiyaasha Mucaaradka ugu sareeya .
Dagaalka Liibiya ayaa u eg mid Fiinaal ah wexeeyna ilaa hada ku harsan yihiin Xoogaga Mr.Qaddafi u Dagaalamaya Magaalooyinka kala ah Sirte, Bani Walid, Sebha iyo Jufrah oo kuli ah deegaano isku dheg dhegan oo eey si weeyn ugu xoogan yihiin Qabaailkiisa .
Magaalada Sirte waa halkii uu ku dhashay Mr.Qaddafi waxaana maalintii 5-aad ka go´an Korantada iyo Biyaha halka Dagaalka Maanta iyo Xalay biloowday uu xoogiisa ka socdo Magaalada Bani Waalid oo Ciidamada Mucaaradku u jirsadeen 15-km halka awal eey ka joogeen meel 92-km u jirtay.
Halkaan ka Daawo Dagaal kulul oo Bali Waalid ka socda http://www.youtube.com/watch?v=jlD1UF2O-Gg .