 |
|
 |
WorldSportNews975 |
 |

Fadeexo iyo Ceeb aan Ciyaaraha kubada cagta ah ka dhicin mudooyinkaan dambe ayaa laga soo sheegay Kulankii Europa League Besiktas vs Maccabi Tel Aviv (Daawo Video-ga Gudaha),* Fc Barcelona Vs Saxaafada Caalamka oo Balaayo iyo Dagaal cusub uu ka dhex Dilaacay,* Cristiano Ronaldo oo dhiibay Wareeysi la la yaabay oo aan horay looga baran,* Bin Hammam oo Ebid Ciyaaraha Caalamiga ah iyo meel uu Sport yaal laga mabnuucay,* Tv-ga Real Madrid oo Tartan Cajiib ah u qabtay Taageerayaasha Jalbeeysan ee kooxdaas (World Sport News) !! *** Waxaa Fadeexo cusub oo sidii xal looga gaari lahaa eey adkaatay laga soo sheegay kulankii Koobka Europa League ee dhex maray kooxaha Besiktas vs Maccabi Tel Aviv oo ka kala dhisan wadamada Turkiga iyo Israel. Ciyaartooydii ka socotay kooxda Maccabi Tel Aviv kulankaas Raaxo iyo Niyad kuma eeysan dhameeysan oo waxaa Tuuryo iyo Hanjabaad raaxada uga qaaday Dad lagu sheegay ineeysan aheeyn Taageerayaasha kooxda Besiktas balse goobtaas u tagay Naceeybka eey u qabaan kooxda Maccabi Tel Aviv oo ka socotay wadanka Israel (Yahuuda) . Mudo hada laga joogo 3-Isbuuc ayeey eheed markii Safaaradii Israel eey ku leeheed dalka Turkiga si toos ah looga ceeyriyey waxaana mudooyinkii ugu dambeeyey labada dal eey hawada isku marinayeen Hanjabaad ku cusub dhagaha Caalamka. Dhibka ama Qilaafka ugu weeyn labada dal waa Turkiga & Israel ayaa waxa uu ka biloowday ka dib markii Ciidamada Bada ee dalka Israel eey Toogasho ku dileen 9 ka mid ah Samafalayaal Turki ahaa oo gar gar u siday Shacabka reer Falastiin. Arinta ugu yaabka badan ee Saxaafada Caalamka ugu hadal heeynta badneed wexeey tahay Dawlada Israel oo ka mid ah wadamada Asia waxaa Qeeybteeda Ciyaaraha ama Qarankeeda lagala soo qaxay mudo aad u fog Qaarada Asia oo eey u badan yihiin dalal Carbeed iyo Shacab Islaam ah oo aad u neceb Dadyoowga yahuuda wexeeyna gudiga FIFA Israel ku soo dareen kulamada ama Tartamada Qaarada Yurub ineey si Nabad ah uga qeeyb qaataan. FIFA oo Naceeybka Israel loo qabay xal ka gaartay ayaa waxaa hada cabsi hor leh oo labadaan dal ku saabsan eey soo food saartay Xiriirka kubada cagta ee Qaarada Yurub kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan UEFA. Inta badan Ciyaaraha kubada cagta waxaa Caalamka ka mabnuuc ah Qilaaf Diimeedka, Arimaha Siyaasada iyo weliba Isir naceeybka ama waxa loo yaqaan Jinsi faquuqa. Dhibka ku soo qabsaday Ciyaartooyda reer Israel dalka Turkiga gaar ahaan Caasimada Istanbul oo eey ka dhisantahay kooxda Besiktas waxaa si deg deg ah uga fadhiistay Xiriirka Uefa oo sheegay ineey arintaan cusub go´aan deg deg ah ka gaari doonaan inta eeysan faafin ama dhibaatooyin kale isku geeysan labada dal oo ka wada tirsan UEFA. Arinta ugu yaabka badan wexeey eheed Basaskii waday Ciyaartooyda kooxda Maccabi Tel Aviv waxaa lagu buufiyey oo lagu xir xiray Calamada Falastiiniyiinta waxaana loogu hanjabay in la dili doono inkastoo halkii eey Ciyaartooydaan reer Israel ku soo degeen Ciidamo Booliis ah la soo dhoobay. Halkaan ka Daawo Cabsida qabsatay ama eey ku ciyaareen kooxda Maccabi Tel Aviv http://www.youtube.com/watch?v=gegASGPWcrw . Kooxahaan Besiktas & Maccabi Tel Aviv ayaa Qori tuurkii Europa League isku dhacay ama isku soo aaday wexeeyna ku wada jiraan Group-ka (E) oo eey ku wehliyaan kooxaha Dynamo Kyiv oo dalka Ukrain ka socota iyo Stoke City oo Horyaalka Ingiriiska ka socota. Su´aasha taagan wexeey tahay hadii Kulanka soo socda kooxda Besiktas markeeda u safarto dalka Israel maxaa halkaas ka soo qabsan doona?? . Ciyaartii dhex martay Besiktas Vs Maccabi Tel Aviv waxaa 5-1 ku badisay kooxda Besiktas Istanbul waxaana goolash u kala saxiixay Weeryahanka Qaranka Portugal Hugo Almeida oo 2-gool dhaliey halka goolasha kale eey kala raacsadeen Mehmet Aurelio oo u dhashay dalka Brazil balse ku muslimay dalka Turkiga ka dibna lagu daray Qaranka Turkiga & Edu+Korkmas : Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=kWdM3FYrJag . *** Kooxda kubada cagta ee Fc Barcelona ayaa waxaa Niyad jab cusub la daba kacay Jaraaidyo badan oo kuwa Caalamka ugu caansan ah. Wargeeysyadaan ayaa wexeey leeyihiin Absolut kooxda Fc Barcelona ma qaadi doonto koobka Champions League maxaa yeelay Champion-ka ma rabo Taariikhna uma lahan in ka badan 20-Sanadood koox difaacatay ama 2-jeer oo isku xigta qaaday. Macalinka Fc Barcelona Mr Pep Guardiola oo arintaan ka jawaabay waxa uu yiri sidan " Waxaas iska hadal iyo Taariikh laga soo gudbay ayaan u aqaan ee Jaraaidyada warkaas qoray waxaan leeyahay Xiddigaha Fc Barcelona war ceeynkaas ah kuma niyad jabaan ee wax kale meesha la imaada,, Jaraaidyada ayaa wexeey leeyihiin Kulankii Fc Barcelona Vs Ac Milan Barca gool weey dhalin weeysay ka dibna iyadii Ciyaar wanaagsaneed ayaa ugu dambeeyntii goolkii Bareejada laga xareeyey wexeeyna saan saantaas ka mid tahay Champions League oo aan jecleeyn koox horay u qaaday oo mar kale difaacata . Halkaan ka Daawo Barca Vs AC Milan >>> http://www.youtube.com/watch?v=kTn5nAVxFvE . *** Xiddiga Qaranka Portugal & Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo waxa uu Wareeysi aan horay nuuciisa looga baran siiyey Skysport. C.Ronaldo kulankii ugu dambeeyey ee kooxdiisa ugu safartay magaalada Zagreb ee Garoonka kooxda Dinamo Zagreb(Croatia) waxaa Jilaafooyin iyo Sabaaxad daqiiqad kasta raaxada uga qaaday qaar ka tirsan Ciyaartooyda kooxda Dinamo Zagreb markii sababta arinkaan keentay la weeydiiyeyna waxa uu ku jawaabay isaga oo murugeeysan sidan : " Laacib weeyn ayaan ahay,Taajir waan ahay waxaana Lafdhabar u ahay kooxda Real Madrid taas ayaa ugu wacan ineey Ciyaartooyda kooxaha yar yar kaligeey kubada igu raacdaan iyaga oo doonaya ineey Dhaawac halis ah i gaarsiiyaan si aan Garoomada Caalamiga ah uga maqnaado mudo Sanooyin ah,, .Skysport Muuqaaladii uu soo bandhigay waxaa sax noqotay in Habeenkaas Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo Sabaaxad iyo Jilaafo raaxada looga qaaday ilaa uu dhoor jeer u gacan haatiyey ama u dacwooday Alabiitarihii ama Gorsoorihii Ciyaarta dhex dhexaadinayey. !! *** Mohamed bin Hammam waa 62-sano jir u dhashay dalka Qadar horayna iskugu soo sharaxay inuu Jagada ugu sareeysa ee FIFA qabto balse hada ayaa waxaa la soo bandhigay ceebtiisa ka dib markii lagu helay inuu Laalush fara badan siiyey dalal dhoor ah sida Xiriirka (CFU) ee Jasiirada Trinidad and Tobago oo uu siiyey Lacag lagu sheegay 40.000 Dollar . Mohamed bin Hammam oo hada FIFA eey ganaax adag dul dhigtay waxaa lagula taliyey inuu ku ekaado arimaha dhanka Siyaasada mar dambena Ebid uusan imaan karin meel Sport looga hadlaayo xitaa dalkiisa Qadar. *** Tv-ga caanka ah ee kooxda Real Madrid waxa uu maalintii 3-aad ku mashquulsan yahay Tartan qaas ah oo loo qabtay Taageerayaasha kooxda Real Madrid gaar ahaan kuwa heeysta ama horay u soo jartay Kaarar lagu sheegay mudo 20-sano ka badan ineey Garoonka kooxda Real Madrid ee Estadio Santiago Bernabeu sanad kasta ku soo gali jireen . Kooxda Real Madrid oo magacyo badan Caalamka ku leh ayaa Taageerayaashaan Jalbeeysan wexeey u soo jeedisay ineey soo codeeyaan Magaca lagu qori doono Maaliyada kooxda Real Madrid dhanka dhabarka dambe ee ka hooseeysa halka uu Lambarka ku buufsan yahay. Taageerayaasha Real Madrid ayaa magacayada kooxdaas eey caanka ku tahay wexeey ugu kala codeeyeen qaabkaan: VIVA Madrid waxaa dalbatay 7746-Taageere. Real Madrid Fc waxaa dalbatay 6122-Taageere. HALA Madrid waxaa dalbatay 7538-Taageere. Los Blancos waxaa dalbatay 8642-Taageere. Cod bixinta Tv-ga Real Madrid waxa uu ku egyahay ilaa maalinta Isniinta ah oo Taariikhdu eey ku beegan tahay 19.9.2011 waxaana lagu wadaa ineey Real Madrid magacyadaas mid ka mid ah dhabarka dambe uga soo dhajiso sanadka dambe 2012-ka hadii uu alle idmo. Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|