Adduunoow Xaal qaado,Qadaafi oo Xaalada ku xumaatay & Ragii Xididada u siibay oo maanta Xaruntiisii ku sugan (Halkaan ka Daawo la yaabka Shaxda Siyaasada Caalamka) !! Jawiga Siyaasada Caalamka ayaa waxa uu noqday mid la jaan qaaday Jiilka Siyaasiinta cusub wuxuuna Jilbaha iskugu dhuftay Odayaashii ama Siyaasiintii hore ee Jawiga Siyaasada Caalamka ka duqoobay sida Shaxda guuldareeysatay ee uu ciyaaray Ex-Madaxweeynihii hore ee dalka Liibiya Mr.Muamar Al-Qadaafi.
Mr.Qadaafi Madaxda Caalamka wexeey kula taliyeen sidan " Xukunka iskaga deg Qoriga kuu cabeeysana Xabada ka bixi inta Xaaladu degan tahay,, Muxuu ku Jawaabay Qaddaafi markii Shacabkiisii lagu kiciyey 43-sanadood ka dib?
Qaddaafi " Aniga iyo Bin Laden Liibiya nama wada qaado,, waxaana ku xigtay Taangiyo iyo Diyaarado uu ku weeraray Shacabkii lagu kiciyey oo awalba u arkay inuu Cunaqabateen ku hayey horumarkoodana diidanaa.
Intaas ka dib waxaa dhacday Shaxda Siyaasiinta cusub ee Caalamka ineey guuleeysato Qaddafina loo arko Dhiig yacab Shacabkiisa labo cad ka dhigay weliba u soo jeestay inuu maalin cad Diyaarado & Taangiyo ku duqeeyo.
jaamacada Carabta,Midawga Yurub ,Qaramada Midoobay iyo Gaashaanbuurta NATO wexeey isku raaceen xiligaas in Qaddafi xukunka laga tuuro dalka Liibiyana Xukuumad xusub loo raadiyo. Aaway awoodii iyo Fak faktii Qaddaafi? (Alloow Balaayo iyo Siyaasad cusub ha nagu kicin). Ugu yaraan Qaddafi maanta Duurka ayuu ku jiraa oo Xaalada ayaa ku xun Xaruntiisii Tripoli-na waxaa si Sharaf leh uga soo degay Ragii Siyaasada uga adkaaday waa R/Wasaaraha Ingiriiska Mr.David Cameron & Madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Nicolas Sarkozy.
Nicolas Sarkozy & David Cameron ma ahan Rag 43-sanadood Xukun ku soo dhegnaa ee waa Siyaasiin cusub oo Jawiga Caalamka cusub la jaan qaaday wexeeyna Xooga saareen sidii Mr.Qadaafi Xididada loogu siibi lahaa ilaa Xarigiisa la jaro.
Ugu dambeentii R/Wasaaraha Ingiriiska Mr.David Cameron & Madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Nicolas Sarkozy wexeey booqdeen Dhaawacyadii jiifay Isbitaalkii Tripoli wexeeyna hada ku sugan yihiin Magaalada Bengasi oo ah Xarunta Mucaaradka dalka Liibiya.
Halkaan ka Daawo la yaabka Shaxda Siyaasada Caalamka http://www.youtube.com/watch?v=wYZlLJDFTB0&feature=relmfu .
***Soomaalida oo la sheegay ineey Burcad Badeednimada ku daarteen Dalal kale oo Qaarada Africa ka tirsan (Halkaan ka Daawo Burcad badeeda oo balaaratay).
Saxaafada Caalamka iyo Qabiirada ku xeel dheer dhaq dhaqaaqa Burcad badeedka wexeey mudo hada laga joogo 2-sano ka hor sheegeen in wadamo badan oo Caalamka ku yaal eey ka dilaaci doonaan Dhaq dhaqaaqyo cusub oo dhanka Burcad badeeda ah.
Qabiiradaan ayaa arintaan sabab uga dhigay ineey jiraan Dhalinyaro badan oo Shaqo la´aan ah kuwaas oo marka eey maqlaan Malaayiinta Dolar ee mar kasta u soo gacan gasha Burcad badeeda Soomaaliyeed iyagana ku fakari doonaan kiis arinkaan la mid ah si eey Lacag fara badan ku helaan.
Bilihii ugu dambeeyey ayaa waxaa la sheegay in cudurka Burcad Baddeeda uu ka dilaacay ama fara ba´an ku hayey dalalka Benin,Togo iyo Neeyjeeriya kuwaas oo koobiyeeya qaabka eey wax u af duubaan Burcad Badeeda Soomaalida oo la sheegay in Caalamka oo idil uu wax ka qaban waayey.
Markabkii ugu dambeeyey ayaa waxaa laga soo af duubay Jasiirada Porto Novo wexeeyna Burcad Badeedii soo afduubatay dalbadeen Lacag malaayiin Doolar ah si eey u sii daayaan Markabkaan cusub .
Halkaan ka Daawo cudurka Burcad Badeeda oo Caalamka gaaray
http://www.youtube.com/watch?v=A4alcUn_kkw&feature=relmfu