WORLD NEWS: R/Wasaaraha Ingiriiska Mr.David Cameron & Madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Nicolas Sarkozy oo wax yar ka hor caga dhigtay Caasimada Liibiya ee Tripoli iyo Recep Tayyip Erdogan oo ku sii jeeda Liibiya.
Waxaa damaashaad balaaran ku jira Madaxda mucaaradka Liibiya ee af gambisay Ex-Madaxweeynihii hore ee dalka Liibiya Muamar Al-Qadaafi ka dib markii saacad ka hor eey caasimada Liibiya si nabad ah uga soo degeen R/Wasaaraha Ingiriiska Mr.David Cameron & Madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Nicolas Sarkozy.
Imaatinka madaxdaaan ee Caasimada Tripoli wexeey naxdin iyo dhabar jab weeyn ku tahay xoogaga iyo Taageerayaasha Macangag Mr.Qaddafi oo talada dalka Liibiya xukumayey in ka badan 42-sanadood.
Madaxdaan ayaa lagu wadaa ineey kulan balaaran oo dib loogu dhisaayo dhaqaalihii bur buray ee dalka Libiya la yeeshaan Hogaamiyaha xoogaga mucaaradka dalka Liibiya Mr.Mustafa Abdul-Jalil .
Safarka Tripoli ee R/Wasaaraha Ingiriiska Mr.David Cameron & Madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Nicolas Sarkozy ayaa waxa uu cadeen u yahay in dhanka Siyaasada looga adkaaday Hogaamihii hore ee dalka Libiya Mr.Muamar Al-Qadafi oo diiday inuu Xukunka ama Talada dalkaas si Nabad ah iskaga dhiibo.
Kacdoon Shacab waa Cudur halis ah oo Daawo leh waxaana Daawadiisa garan waayey Mr.Qaddafi oo xabad & Dhiig daata ka doortay halka Xusni Mubaaragii Masar si Nabad ah Xukunka uga degay Bin Caligii Tuuniisiyana maalin cad iskaga cararay Tunis.
Waxaa maanta lagu waday sidoo kale inuu soo caga dhigto Caasimada dalka Liibiya ee Tripoli R/Wasaaraha dalka Turkiga Mr.Recep Tayyip Erdogan balse dib ayuu u dhacay oo waxa uu imaan doonaa dalka Liibiya maalinta Jimcaha ah oo beri ku beegan.
Wixii faa faahin dheeraad ah ee ku saabsan Booqashada madaxdaan ka filo warar keena dambe iyada oo Daawasho ah.