MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Wiil iskaga tagay Hantidii Aabihiis oo Milyaneer ah ka dib markii uu gacanta ku dhigay 107 Milyan oo Dollar ,Xaguu ka helay Lacagtaas faraha badan?( Halkaan ka aqriso kana Daawo war bixin Tarjuman iyo Warar kale oo News-ka Caalamka ka mid ah !! )
Waa markii ugu horeeysay oo Malyuumaadka Lacagta Baqti-nasiibka ah ee Caalamka looga yaqaan Lootada eey u gacan gasho qof Taajir ah ama horay u heeystay Lacag ku filan Nolashiisa.
Brian McCarthy waa 25 Jir waxaana dhalay Taajirka iska leh Hoteelada Caalamka ugu magaca dheer ama ugu Qaalisan waa Hotel ?Marriott". Aabaha wiilkaan dhalay waxaa lagu magacaabaa Robert McCarthy wexeeyna Caalamka ku leeyihiin (3500 Hotels)
Brian McCarthy wuxuu in mudo ah ka shqeenayey ama masuul ka ahaa Hotelka Aabihiis ee ?Marriott" qeeybta Magaalada Virginia ee dalka Mareeykanka. Wiilkaan uu Aabihiis Taajirka yahay si kaste Qooyskiisa Taajir ha u ahaadeen wuxuu Isbuuc walba ciyaari jiray Baqti Nasiibka Tootada iyo Lootada loo yaqaan ee Lambarada la qabsado.
Brian McCarthy Ciyaartii ugu dambeeysay waxa uu ciyaaray 5-Jeer oo Lotto ah wuxuuna si Nasiib ah ugu guuleeystay 107 Milyan oo Dollar una dhiganta ( 78 Milyan oo Euro). Ugu dambeeyntii Wiilkaan uu dhalay Taajirka Hoteelada Caalamka ugu caansan leh Mr.Robert McCarthy wuu iskaga tagay shaqadii uu Aabihiis u hayey ka dib markii uu lacagtaas faraha badan gacanta ku dhigay wuxuuna hada u wareegay dhanka dalka Irland oo uu doonayo inuu Ganacsi uu isaga shaqsi ahaan leeyahay ka bilaabo.
*** Mucaaradka Liibiya oo gudaha u galay Magaalada Bani Walid iyo Shacab halkaas ku go´doonsanaa oo laga soo saaray (Halkaan ka Daawo Qadaafi oo Diyaarado Dagaal NATO Shiraacyo uga qarsaday)
Mucaaradka Liibiya ayaa weli ku sii siqaya goobo cusub oo eeysan horay u joogin waxaana markaan la xaqiijiyey ineey gudaha u galeen magaalada Istiraajiga ah ee lagu magacaabo Bani Walid oo maalmihii ugu dambeeyey Dagaalada lagu hoobtay eey ka dhaceen.
Maleeshiyaadka Mucaaradka wexeey magaalada Bani Walid kala kumeen iska caabin xoogan oo kaga timid xoogaga Qaddafi Taageersan oo eey ka inkaarsadeen Diyaaradaha dagaalka ee Gaashaanbuurta NATO oo cirka ka duqeenayey mar alaale iyo markii eey Taangiyada Ciidamada Qaddafi u soo jiheeystaan dhanka Maleeshiyaadka Mucaaradka.
Mararka qaar waxaa la arkayey Taangiyada xoogaga Qadaafi oo dagaalamaya balse xabad xabad cirka eey uga soo tooganayeen Diyaaradaha Casriga ah ee Gaashaanbuurta NATO.
Dadkii ku go´doonsanaa mudada sadexda Isbuuc ah Bani Walid intiisii badneed waa laga soo saaray waxaana hada Magaalada gudaha u galay Maleeshiyaadka mucaaradka inkastoo Xoogaga Qaddafi weli eey ka dagaalamayaan Xaafado ka tirsan Magaaladaas.
Qeeybo magaaladaas ka mid ah waxaa laga helay Diyaarado Dagaal oo eey Shiraac korka ka saareen Xoogaga Qaddafi maadaama eey Diyaaradaha NATO duqeenayaan wax alaale iyo wixii dhanka Ciidamada Mr.Qaddafi dhaqdhaqaaqa.