War baahinta Caalamka oo laga sii daayey ineey Maleeshiyaadka Shabaab Afduub ku bilaabeen dadka Caawiyo Shacabka dhibaateeysan ee u Qaxay dalalka Somalia Dariska la ah (Halkaan ka Daawo War bixinta)
Dawladaha iyo Hay´adaha Caalamiga ah ee Caawin jiray Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan dalalka Somaliya Dariska la ah ayaa wexeey soo saareen Digniin cusub oo eey uga digayaan Dadkooda in si sahlan loogu afduubto Wadamada Somalia Dariska la ah.
Telefishinada Caalamka waxaa looga bartay ineey Digniin ku siiyaan Shacabkooda ku deg degista gudaha Dalka Somalia balse markaan waxaa mar qura la maqlay Digniin ka baxday War baahinta Caalamka oo lagu leeyahay waxaa jira Maleeshiyaad ka tirsan Xarakada Shabaabka oo Madaxda Hay´adaha Caalamiga ah ka afduubta dalalka Somalia Dariska la ah ka dibna geeysta meelo halis ah oo maamulkooda uu ka taliyo.
Aqbaartaan cusub ee loo soo jeediyey Dadka iyo Shacabka caawin jiray Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan Wadamada Somalia Dariska la ah ayaa wexeey noqon doontaa mid dhibaato weeyn ku keenta Shacabka Somaliyeed oo intiisii badneed eey u qaxeen dalalka lagu sheegay aadi taankooda inuu Qatar noqday.