8-sano ka dib Gael Clichy oo ka tagay Fc Arsenal una wareegay Man City,* Maalqabeenkii kooxda Fenerbahce ee heeysata Horyaalka Turkiga oo Xabsiga loo taxaabay & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !! .
8-sano ka dib waxaa kooxda Fc Arsenal ee Horyaalka Ingiriiska isaga huleeyay laacibka Qaranka France Gael Clichy . Ciyaaryahan Gael Clichy oo u wareegay dhanka kooxda Man City ee isla Horyaalka Ingiriiska wuxuu Qalinka ku duugay heshiis ku kacaayo ilaa 30-ka bisha juun sanadka 2015-ka.
Xiddigaan ayaa waxaa aad u jeclaa Macalinka kooxda Fc Arsenal Rugcadaa Arsene Wenger wuxuuna tagi taankii Ciyaaryahan Gael Clichy ka dib yiri sidan " Waxaan Gael Clichy u rajeenayaa mustaqbalkiisa oo dhan Guul, wuxuu ahaa run ahaantii Ciyaaryahan aad u dabeecad wanaagsan oo weliba booskiisa iyo halkii loo diro si wanaagsan uga soo bixi jiray, ugu dambeentii aniga iyo Team-ka oo dhan waxaan leenahay Respect ,,
Ciyaaryahan Gael Clichy waxaa lagu soo xasuustaa kooxda uu hada u wareegay ee Manchester City waa Xiddigii ku guuri jiray ama eey celin waayi jireen , sidoo kale dhoor bilood ka hor waxaa dhagax Waraf ah oo meel dheer laga soo tuuray ku daqray kana keenay dhiig mid ka mid ah Taageerayaasha kooxda uu hada u wareegay ee Man City in kastoo ugu dambeentii Ninkaas dambiilaha ah Lacag badan la ganaaxay lagana mabnuucay Nolashiisa inuu cagta soo saaro Garoonka kooxda Man City oo lagu magacaabo City of Manchester Stadium wuxuuna qaadaa 48.500 oo Taageere.
*** Ciidamada La Dagaalanka Musumaasuqa dalka Turkiga ayaa wexeey weerar Cir & Dhul ah ku qaadeen Maalqabeenka weeyn ee dhanka Taajirnimada dalka Turkiga safka hore kaga jira waa Boss Aziz Yildirim oo kooxda heeysata Horyaalka Turkiga ee Fenerbahce madax ka ahaa.
Ma ahan dadka la soo qab qabtay Aziz Yildirim oo kaliyah ee waa 49-qof oo dhamaantood lagu soo eedeeyey ineey Laaluush siiyeen Ciyaartooy fara badan si eey kooxahooda u qasaariyaan ama goolol uga dhaliyeen. Dadka la soo qab qabtay kuwooda ugu muhiimsan ama ugu caansan ayaa waxaanu ka xusi karnaa Masuuliyiintaan : Gudoomiyaha kooxda Sivassport Boss Mecnun Odyakmaz .
Sivassport waa kooxdii sii deeysay Fenerbahce kulankii ugu dambeeyey ee Horyaalka Turkiga kaas oo bishii Meey ku soo gaba gaboobay 3-4 . Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay gudoomiye ku xigeenkii kooxda horyaalka Turkiga sanadkaan kaalinta 2-aad ka gashay waaTrabzonspor ninka lagu magacaabo Nevzat Sakar, wexeey sidoo kale Seefta la Dagaalanka Musumaasuqa qaaday oo la soo xiray Xiddiga hada u Ciyaara Qaranka Turkiga waa ciyaaryahan Serkan Calik oo u safta kooxda Genclerbirligi ee isla horyaalka Turkiga , waxaa isna la soo qabtay Ciyaaryahan Serdar Kulbilge oo ku dhashay magaalada Berlin ee Caasimada dalka Germany balse u ciyaara kooxda MKE Ankaragücü ee isla horyaalka dalka Turkiga. Wexeeyna ugu dambeentii Ciidamada Turkiga Xafiiskiisa ka soo wateen Laacibkii hore ee Qaranka Turkiga iyo kooxda Galatasaray waa Umit Karan oo hada kooxda Eskisehirspor Gudoomiye u ah.
Dadweeynaha Caalamka ee arintaan ka daawanayey Telefishinada ayaa si weeyn ula yaabay sidii loo soo qabtay Taajirka kooxda Fanerbahce ee heeysata Horyaalka Turkiga Aziz Yildirim iskana leh Shirkada ugu dhaqaalaha badan dalka Turkiga taas oo lagu magacaabo Milliyet (Lacagta waxaa ka awood badan Sharciga) !!
*** Kooxda Wolfsburg ee Horyaalka Germany wexeey kooxda Juventus kala soo wareegtay Laacibka Qaranka Bosnia Hasan Salihamidzic . Xiddigaan wuxuu horay ugu soo ciyaaray kooxaha kala ah Hamburger SV iyo FC Bayern München.
*** Xiddiga Qaranka Portugal iyo kooxda Benfica Lisbon Fabio Coentrao oo eey si aad ah ugaarsi ugu heeysay kooxda Real Madrid ayaa markaan filimkaas waxa uu noqday mid la isku mari waayey oo labada kooxeed eey ku kala tageen beeca Ciyaaryahankaan .
Fabio Coentrao waxaa si aad ah u doonayey Macalinka kooxda Real Madrid Mr.Jose Morinho.