News: Diego iyo Mascherano Labadii Ciyaaryahan ee lagu wareeray oo wado loo helay .
Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News ayaa sheegaya in Labadii Ciyaartooy ee mudo bil ah lagu wareer sanaa cida eey u wareegi doonaan oo eey sal dhigan doonaan ayaa loo helay meeshii kala baxa eheed ee warkooda danbe aan lagu mashquuli doonin.
Xiddiga Juventus Diego ayaa waxaa isku heestay kooxaha Horyaalka Germany ee kala ah Fc Schalke & Wolfsbrug waxaana uu maray shalay hubinta Caafimaadkiisa kaas oo maanta sababay in 4-sano heshiis ku kacaayo uu u saxiixo kooxda Wolfsbrug oo Juventus faraqa u gelisay Adduun gaaraya 15,5 Milyan oo Euro oo weliba eey sii dheer yihiin lacago kale oo siyaabo kala duwan ku baxay.
Xiddiga Fc Liverpool Javier Alejandro Mascherano ayaa isna waxaa si weeyn loogu wareer sanaa cida uu u wareego doono maadama eey helitaankiisa Dagaal weeyn ugu jireen kooxaha is diidan ee Barcelona iyo Inter.
Ciyaaryahan Mascherano oo kooxda Liverpool 2007-kii kaga yimid kooxda West Ham Utd ayaa la xaqiijiyey in Barcelona kula wareegtay Adduun gaaraya 21-Milyan oo Euro wexeeyna taas naxdin u tahay Kooxda Inter iyo Ex-Macalinkii hore ee Liverpool Rafal Benitez oo Xanjo camal isku dhajiyey ciyaartooy badan oo Liverepool u dheesha kaas oo ka helay lana doonayo in eey Xamaali uga noqdaan Horyaalka Talyaaniga sida uu weli u doonayo Dirk Kuyt.
Filo Goor dhaw Barnaamishka La Yaab iyo ku biiri Aqoontaada Sport oo Maanta xiiso weeyn xambaarsan
Dhanka kale waxaa war deg deg ah oo na soo gaarayo sheegayaa in la suu biyey isku aadka Europa liga Ex Uefa Cup, waxaana isku dhacay oo kala xishoon waayey kooxo waa weeyn: