MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Libaaxyo Cad cad oo markii ugu horeeysay ku dhashay Magaalada Hannover ee dalka Jarmalka,* &In ka badan 1000 Askari oo Ciidamada Milatariga dalka Ingriiska ah ayaa Shaqadii iskaga tagtay (Halkaan ka Daawo British Military Navy Personnel)
*** Waxaad maqli jirtay Bisad cad ama Ari cad balse maanta waxaa dhacday oo laguu hayaa mucjiso cusub oo ah Libaaxyo ku dhashay Midabka Cadaanka. Libaaxyadaan yar yarka ah waxaa lagu kala magacaabaa Niza iyo Nero wexeeyna ku dhasheen Xarunta lagu xanaaneeyo Xayawaanaadka ee Serengeti-Park oo ku taal magaalada Hannover ee dalka Germany.
Libaaxyadaan markii eey dhalanayeen Miisaanka culaabtooda wuxuu ahaa 780-Gramm oo kaliyah hadana Culaabta Miisaankooda ayaa si deg deg ah waxa uu ku gaaray 8-Kiilo. Dhaqtarkii ka qeeyb qaatay ineey si Nabad ah ku dhashaan Libaaxyadaan oo ilaa iyo hada caafimaadkooda gacanta ku haya waxaa lagu magacaabaa Professor Ingo Nolte waana 58 jir .
Hooyadii Libaaxada eheed ee dhashay Caruurtaan Libaaxyada ah waxaa lagu magacaabaa Brouks waana 2-sano jir balse markii eey dhaleeysay Liibaxyadaan cad cad waxaa loo qaaday Isbitaalka caafimaadka Xayawanaadka ee Tiho-Hanover halkaas oo lagu soo qalay.
Arintaan cusub ee Libaaxyada cad cad ayaa waxaa cabsi ka muujiyey dad badan oo Qaarada Afrika ku nool gaar ahaan Soomaalida maadaama Dadka Xoolo dhaqatada ah ee Duur Duurka ku nool eey ka gaashaaman jireen marka eey arkaan Midabka Libaaxa balse hada eey adkaan doonto Libaax Cad si looga gambado maadaama Ariga lagu qaldi doono marka uu kaa fog yahay.(Yaab)
*** In ka badan 1000 Askari oo Ciidamada Milatariga dalka Ingriiska ah ayaa Shaqadii iskaga tagtay (Halkaan ka Daawo British Military Navy Personnel)
Waxaa sii badanaya is Casilaada eey ku dhaqaaqeen Ciidamada Milatariga dalka Ingriiska gaar ahaan qeeybta Diyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka ee loo yaqaan British military navy Personnel .
Warar kala duwan oo ka soo baxaya arintaan ayaa wexeey sheegayaa in qaar ka tirsan Ciidamadaan eey dhibsadeen Dagaalada joogtada ah ee aan dhamaadka laheeyn oo ka socda meelo kala duwan oo Caalamka ka tirsan.
Ciidamada British Military Navy Personnel oo qaadan jiray mushaar xoogan ayaa lagu wadaa ineey waqti siiyaan ama dib ugu soo laabtaan Xaasaskooda iyo Caruurtooda oo qaar ka tirsan Ciidamadaan eey ugu dambeeysay mudo aad u fog marka laga reebo qadka Telefoonka oo eey ku wada xiriiri jireen intii eey kala maqnaayeen .
Dalka Ingiriiska waxa uu ka mid yahay Wadamo dhoor ah oo Ciidamo caalami ah u diray dalal badan oo dhibaatooyin eey ka taagan yihiin halka qaar kale eey u aadeen dalal kale sidii eey u soo siin lahaayeen Tababar Milatary.