Ciyaaryahan u dhashay dalka Neeyjeeriya oo geeriyooday isaga oo ka Ciyaarayey horyaalka Dalkiisa & Baraf soo dumiyey Garoon ciyaareed una aqoonsaday ineey soo xaadiraan 64.000 oo Taageere iyo Warar kale. (Halkaan ka Daawo Mucjisadaan)
>>> Raali gelin intii uu horay ugu furmi waayey warka ka hadlaayey The PlayStation4, ..Mahadnaq Akhristayaashii E-mailada na soo gaarsiiyey markii uu warkaan u furmi waayey maxaa yeelay waxaa sabab u noqotay ciladaas akhristayaasha xiriiriye oo Xadkii booqashada ka talaabay (Iskoor/Record/April2009/Dizembar/2010 !!
www.xiriiriye.com waxa uu xiriiriyaa iskuna xiraa Bahda Sportiga ee Soomaaliyeed iyo Mucjisooyinka Xiisaha Xambaarsan ee ka dhaca Caalamka gaar ahaan kuwooda Sportiga ah.
***Xiddiga kubada cagta ee Juunyarka dalka Nigeria iyo kooxda Ocean Boys ee horyaalka dalkaas Emma Ogoli ayaa geeriyooday. Ciyaar dhex martay kooxaha Ocean Boys Vs Niger Tornadoes ayaa waxaa laga war helay inuu dhulka ku dhacay Ciyaaryahan Emma Ogoli daqiiqadii 39-aad waxaana loo la cararay Isbitaalka halkaas oo uu durbadiiba ku geeriyooday.
Emma Ogoli oo 21-sano jir ahaa ayaa dhimashadiisa waxaa galabta Skysport faah faahin dheer ka siiyey Masuulka ugu sareeyo kooxda uu ka geeriyooday ciyaaryahankaas ninka lagu magacaabo Eddy Ohis oo dhimashada Xiddigooda ku sheegay ineey aheeyd mid aan cidna loo qabsan karin oo uu Faol la´aan kaligiis Garoonka ku dhex dhacay ciyaarta oo socoto.
*** Dhanka kale Garoonka weeyn ee kooxda Minnesota Vikings Stadium ayaa korka ka soo dumay ka dib markii uu Dabaqa sare ee Garoonka uu celin waayey Baraf ka tan badiyey. Inta badan Telefishinada Sportiga ee caalamka ayaa waxaa laga daawanayey Garoonkaan oo si Live ah u soo dumaayo iyo Shaqaalaha gurmadka deg dega oo dagaal kula jiro sidii eey Baraf kaas wax qaribay u Dhalaalin lahaayeen. Halkaan ka Daawo Qaabka uu Garoonka u soo dumay: >> http://www.youtube.com/watch?v=MxgGeGv8HBM.
***Kooxda kubada cagta ee Blackburn Rovers ayaa banaanka ku soo tuuryeeysay dharkii iyo qalabkii macalinka kooxdaas Mr Sam Allardyce oo eey ku eedeeyeen guuldarooyin lixaad leh. Waxaa kaloo isna markii Tababarahaas la ceeyriyey 3-saacadood ka dib eey Blackburn Rovers ku qara baxday ku xigeenkiisa ninka lagu magacaabo Neil McDonald oo isna si lama filaan ah irida looga saaray ka dib markii uu isku dayey inuu difaaco Tababaraha la ceeyriyey, Fadeexadaan ayaa waxa si Live ah u soo daayey Tv-ga Skysport.
Kooxda Blackburn Rovers oo waligeed ka mid aheeyd kooxaha sida weeyn looga cabsado horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey wexeey noqotay koox isku dhex yaacday oo dhibcaha eey ka tirsadaan kooxaha yar yar taas ayaana sabab u noqotay in Macalin Sam Allardyce Boorsooyinkiisa banaanka loo dhigo isaga oo taas ka fileeyn kooxda Blackburn Rovers .
Isla hada ayaa waxaa Tababare loogu magacaabay Blackburn Rovers Macalin Steve Kean. Kooxda Blackburn Rovers ayaa 17-kulan oo Horyaalka Ingiriiska eey ciyaartay waxa eey uga jirtaa Horyaalka kaalinta 13-aad waxaana laga badiyey 3-dii kulan ee ugu dambeeysay sida kii shalay oo kooxda Bolton 2-1 ku tuntay iyo kulankii Man Utd oo 7-1 looga soo badiyey waxeeyna Natiijadaas u cuntami weeysay Taageerayaasha iyo Maamulka kooxda Blackburn Rovers oo inta la ogyahay Taariikhda ka adkaa kooxda Shayaadiinta Cas Cas (The Red Devils) ee ManU.
Filo goor dhaw Faaqidaada Horyaalada iyo Warar kale oo Top Sport News ah sida LaYaab & Ku biiri Aqoontaada Sport iyo Natiijadii Hal Xiraalaha oo lagu kala baxay+Hal xiraalaha cusub.