Zinedine Yazid Zidane" Enzo oo kaliyaha ayaan Profi ka dhigay waxaana soo wadaa oo Wadada ku soo jira Luca,Theo, iyo Elyaz mana ahan wax sidaas u weeyn inaan Caruurteeyda laacibiin ka wada dhigo (By : Canal Plus >> Zinedine Zidane oo Caalamka ka yaabsaday)!!
Halyeeygii Kubada Cagta ee kooxaha Real Madrid ,Juventus,Bordeuax & Qaranka Diiqa Reer France Mr.Zinedine Yazid Zidane ayaa waxa uu ka yaabsaday Guud ahaan Caalamka gaar ahaan inta jecel Ciyaaraha kubada Cagta.
Zinedine Zidane oo la soo fadhiisiyey Barnaamishka isbuuclaha ah ee ka baxa Canal Plus (Today and Player) ayaa waxa uu soo ban dhigay Qibradiisa iyo qaabka uu u Tababaro Caruurtiisa oo lagu wado ineey dhawaan Maslaxa Ciyaaraha kubada Cagta wacdaro gooni ah ka dhigaan.
Ex-Qabiir sare Zinedine Zidane ayaa waxa uu ku guuleeystay inuu Wiilkiisa Curadka ah Enzo Zidane ka dhigo Profi Ciyaaraha kubada Cagta ah weliba Isbuucii 3 jeer la Aalamiiteeya kooxda Real Madrid ee horyaalka Spain (Enzo Zidane waa 16-Jir) Halkaan ka Daawo Wacdarahaan >>> http://www.youtube.com/watch?v=dL9XxaxGhlk .
Mr.Zinedine Yazid Zidane oo la weey diiyey sida eey ugu suurtoowday inuu Wiilkiisa oo weli da´yar ka dhigo Laacib ka soo dhex Iftiimay Laacibiinta Caalamka sida Cristiano Ronaldo,Ricardo Kaka & Habi Alonso ayaa waxa uu Zidane ku jawaabay sidan " Enzo oo kaliyaha ayaan Profi ka dhigay waxaana soo wadaa oo Wadada ku soo jira Luca Zidane,Theo Zidane, iyo Elyaz Zidane mana ahan wax sidaas u weeyn inaan Caruurteeyda laacibiin ka wada dhigo,,
Jawaabtaas Zidane uu baxshay ayaa wexeey noqotay mid ka yaabsatay bahda Ciyaaraha kubada cagta maadaama Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta lagu arki doono urur Ciyaareed Qooyska Reer Zidane ah. Halyeey Zinedine Yazid Zidane waxaa Caruurtaan u wada dhashay Haweeneeyda lagu magacaabo Veronique Fernandez oo u dhalatay dalka Spain wexeeyna xayeeysiin jirtay Dharka Fashiyoonka ah.
Ex-Player Zinedine Zidane waxa uu heeystaa Iskooro badan oo Caalami ah sida : Koobkii Adduunka 1998,Koobkii Qaramada Yurub 2000, Koobkii Adduunka 2006 (Kaalinta 2-aad), Uefa Champions League 2002,Uefa Super Cup 1996 & 2002,Horyaalka Talyaaniga 1997 & 1998, Super Koobaha Talyaaniga 1997,Horyaalka Spain 2003,Spain Super Cup 2001 & 2003.
Qabiir Zinedine Yazid Zidane waxa uu ku dhashay Magaalada Marseille ee dalka Faransiiska 23-kii Bishii juun Sanadkii 1972-kii balse asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Algeria.
Halkaan ka Daawo Enzo Zidane oo Juunyarka Fc Barcelona Laf dhuun gashay ku noqday ka dib markii uu u isticmaalay Qibradihii iyo Gooysmadii Aabihiis Zidane Daawo Good Bye Zenedine Zidane Well Come Enzo Zidane >>> http://www.youtube.com/watch?v=q3YAAhXaDfs&feature=related
Halkaan ka Daawo Enzo Zidane oo 16 jir ah Qaabka uu ula qabsaday Laacibiinta Caalamka ugu caansan >>> http://www.youtube.com/watch?v=6GQ4GmZQ5xc&feature=related
FILO GOOR DHAW WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS IYO BARNAAMISHYO KALE OO XIISO SPORT XAMBAARSAN !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com