Faalo : Ciyaartooyda Fc Arsenal ma Difaaci doonaan maanta Sanadguuradii 15-aad ee Dabaaldega Macalin Arsene Wenger mise hilfaha ayaa loo qaadi doonaa? (Tottenham Vs Arsenal 17.00),* Emmanuel Adebayor oo bilaabay Faankii lagu yaqaanay,* Taageerayaasha Fc Arsenal ma jecla Wayne Mark Rooney balse wexeey Ifka ka sii Neceb yihin Adebayor !!
Ciyaartooyda kooxda kubada cagta ee The Gunners Fc Arsenal ayaa waxaa lagula taliyey ineeysan Maanta ceebeeyn Dabaaldega Sanad-guuradii 15-aad xiligii uu Macalin Arsene Wenger ku soo biiray Fc Arsenal.
1996 ayuu Macalin Arsene Wenger soo caga dhigtay kooxda Fc Arsenal wuxuuna Naadigaas la soo qeeybsaday Guulo muhiim ah.
Arsene Wenger waa Macalinka kaliyah ee ku caanbaxay soo saarista Laacibiinta yar yar waxaana maanta Dunida dacaladeeda ka Ciyaara Xiddigihii uu soo saaray oo noqday kuwo maanta Dunida Qaali ka ah.
22-kii Bishii Oktoober 1949-kii ayuu Macalin Arsene Wenger waxa uu ku dhashay magaalada Strassburg ee dalka Faransiiska balse magaaladaas wexeey Daris la tahay dalka Germany. Magaca magaalada uu ku dhashay Macalin Arsene Wenger ee Strassburg macnaheedu waa (Wadadii buuraha) .
Macalin Arsene Wenger waxa uu ahaa Difaac laga qeeyliyey Kartidiisa maxaa yeelay Sanadihii 1975-kii ilaa 1978-kii waa 3-sano gudahood wuxuu kooxdiisii hore ee Vauban Strasbourg u saxiixay 80-kulan 20-Gool. (Weerar miyaa waa Yaabee?) .
Skysport oo Macalin Arsene Wenger wax ka weey diiyey sida eey la tahay kulanka galabta dhex mari doona kooxaha Tottenham Vs Fc Arsenal iyo Dabaaldega sanad-guuradiisii 15-aad inta uu Fc Arsenal la joogay ayaa waxa uu su´aashaas kaga jawaabay sidan "
" Sanadguurada aad sheegeeysaan waxaa ka Muhiimsan Sadexda Dhibcood, ugu yaraan Bareejo ama 3-dhibcood oo aan la helina Dalbaal deg ma jiro waana u sheegay Ciyaartooyda arinkaas,,
*** Dhanka kale waxaa faankii lagu yaqiinay bilaabay Weeraryahanka kooxda Tottenham iyo Qaranka Togo Emmanuel Adebayor.
Emmanuel Adebayor oo ka yimid xili Ciyaareedkaan dhanka kooxda Real Madrid mar wax laga weeydiiyey kulanka Maanta dhex mari doona kooxaha ka wada dhisan Magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska Tottenham Vs Arsenal waxa uu yiri sidan .
" U maleeyn maayo ineey Difaaca Arsenal i celin karaan kulanka galabta maxaa yeelay waxaanu ku ciyaareenaa Gurigeena kooxda Arsenal-na uma adko sidii hore oo kale,,
Hadalka ama faanka Emmanuel Adebayor ayaa waxaa ka muuqday Yasmo uu u geeystay kooxdiisii hore oo la ogyahay sidii eey u soo caan bixisay isaga oo aan la aqoon ka dib markii eey ka soo iibsadeen kooxda Monaco ee horyaalka Faransiiska.
Emmanuel Adebayor intii uu Fc Arsenal la joogay wexeey isku dhaceen oo hala kala qabto eey ka dhacday Weeraryahanka Qaranka Denmark Nicklas Bendtner iyo mar kale oo eey fooda is dareen Samir Nasri xiligaas oo uu kala celiyey Emmanuel Eboue oo hada ku biiray kooxda Galatasaray ee Horyaalka Turkiga.
Adebayor waa Xiddigaha caalamka kuwooda loo yaqaan Quuqlayaasha ee jecel mar kaste Qaska iyo Fadeexada. Intii uu la joogay kooxda Manchester City waxa uu wax ka sheegay Midabka Maaliyada ama Funaanada Fc Arsenal taas oo dadka ka yaabisay maadaama uu horay ugu soo Ciyaaray kooxdaas.
Taageerayaasha Fc Arsenal meel kaste oo eey Caalamka ka joogaan ma jecla Weeraryahanka Man Utd Wayne Mark Rooney balse wexeey Ifka ka sii neceb yihiin Emmanuel Adebayor oo eey u bixiyeen eray Somaali ahaan u dhigma (Qoosaarkii Dheeraa)!!
Ugu dambeentii su´aashu wexeey tahay Difaaca Fc Arsenal maanta ma iska Difaaci doonaan Faanka Weeraryahan Emmanuel Adebayor mase u dabaal degi doonaan Sanad-guurada 15-aad ee Macalinkooda Arsene Wenger?
WAX YAR KA DIB FILO FAAQIDAADA HORYAALADA CAALAMKA OO KOOXO BADAN LA CEEBEEYEY HALKA QAAR KALE BAREEJO LAGU QABTAY !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com