Bahda Ciyaaraha kubada Cagta ineey Qoslaan markooda maxaa u diiday? > Halkaan ka Daawo Barnaamish Qosol badan oo ka dhex dhacay Garoon Caalami ah ka dib markii eey Garoonka Bakoorado la soo dhex galeen odayaal laga ciyaar badiyey (Halkaan ka Daawo Barnaamish Xayeeysiin ah oo Lagac lagu kala dhigtay Weekiyo Vs Dhalinyaro) !!
Wadamada Yurub waxaa ka jira Shirkado badan oo dhanka Ciyaaraha kubada Cagta Baqti-Nasiib (Sharad) dhiga wexeeyna inta badan soo bandhigaan Lacag caqli ka fooq ah kuwaas oo ku doonaya ineey Dadka dhigtaan Lacag iyaga oo kala sheegaya sideey kooxaha Horyaalada u kala badin karaan.
Shirkada Tipp 3 oo dhanka Xayeeysiinta Ciyaaraha kubada cagta gacan loogu taagay wexeey ka mid tahay Shirkadaha dadka ugu yabooha Lacag fara badan waa hadii eey sheegaan sida eey ku kala badinayaan kulamada kooxaha. Tipp 3 waxaa mar kasta xayeeysiinta u sameeya 2 nin oo Lacagta ku kala dhigta Kulamo adag oo ka dhaca maslaxa Ciyaaraha kubada cagta waxaana Ragaan lagu kala magacaabaa Edi & Adi.
Arinta ugu Qosol badan ayaa wexeey tahay Ciyaartii dhex martay koox Dhalinyaro ah iyo Odayaal Weekiyo ah oo kor u dhaafay 90 jir , markii eey Odayaasha qaban waayeen Oradka wiilashii Dhalinyarada ahaa wexeey odayaashii la soo bexeen Bakoorado kuwaas oo Lugaha uga qabanaya Dhalinyaradii maadaama fak faktooda iyo gambiskooda la celin waayey.
Waxaa taas ka sii daran mid ka mid ah Odayashii oo aan Bakoorad heeysan ayaa inta uu Garoonka banaanka uga baxo waxa uu soo qaadanayaa cagaf cagafta Garoonka looga jaro Coowska wuxuuna ku bursanayaa Dhalinyaradii eey kubada ka qaadi waayeen taas oo ka yaabineeysa Alabiitarihii Ciyaartaan oo Afka gacmaha saartay maadaama Odayaashaan eeysan gar gelin kuna balameen Guul ama Bakaarod in la isla dhaco.
Keeydka Binjiga Odayaasha 90-jirada ah waxaa u Fadhiya Waayeelo kale oo 99-jir ah kuwaas oo iyagana wata Bakoorado sida aad muuqaalka ku arki doontit . Qaar ka tirsan Odayaashaan ineey Kubad ciyaaraan ama Gool dhaliyaan iska daayee waxaa Dhibaya socodka iyo sidii eey ku talaabsan lahaayeen.
Edi & Adi oo Sharad Lacag ku kala dhigtay kulankaan ayaa wexeey ku dhex jiraan Taageerayaasha dhexdooda wuxuuna mid ka mid ah labadaan Majaajiliiste Lacag fara badan ku dhigtay ineey Team-ka Odayaasha badin doonaan maadaama eey dheg dheg miiran yihiin oo weliba eey adag tahay si Kubada looga qaato.
Fiiro Gaar Ah : Odayaasha markii eey wax Bakooradeeyaan oo Faol laga dhigo wexeey leeyihiin Faol ma ahan waxba ma taaban taas oo kuu cadeeneeyso Ciyaartooyda Caalamka marka eey Garoonka dhexdiisa Xiddig kale ku qalaan weli ma dhicin Xiddig qirta Dambiisa oo yiraahda anigaa Qaldanaa ama waa faol dhankeega ka yimid!!