Isku aadkii World Cup 2014 ee Qaarada Yurub oo la sameeyey & Durbadiiba Dalal is neceb oo isku dhacay (+Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News)
Xaflad heer sare ah oo lagu qabtay Caasimada dalka Brazil ee Rio de Janeiro ayaa waxaa lagu sameeyey Qori tuurka ama isku aadka Koobka Addunka 2014-ka oo lagu wado inuu ka furmo dalka Brazil Taariikhdu markeey tahay (12. Juun ilaa 13. Julaay ee sanadka 2014-ka).
Isku aadkaan oo eey qoorta isla galeen Wadamo si weeyn isku neceb dhanka Sportiga & Siyaasad ahaanba sida kulanka Serbia Vs Croatia iyo Italy Vs Denmark oo weli la xasuusto waxa eey isku dhigeen World Cup 2006 xiligaas oo F.Totti uu Paulsen indhaha ka candhuufay ka dibna Ganaax mudo dheer ahaa la laqsiiyey Laacib Totti.
Waxaa sidoo kale kulamo adag isku dhacay Dalalka Spain oo heeystata Koobkaan iyo Qaranka Faransiiska oo Laacibiin xoogan wata weliba keensaday tababare Lorent Blank oo si weeyn boorka uga jafay Xiddigaha Qaranka Faransiiska oo qaarkood eey ka soo jeedan Qaarada Africa.
Inta badan Tababarayaasha kooxaha oo ka qeeyliyey halka uu Nasiibka ku tuuray ayaa hadane waxaa si weeyn u faraxsan dalalka Portugal & Russia oo Guruub Jilicsan helay sida Wadamada Holland iyo Turkiga oo iyaguna galay Guruub aan sidaas u buurneeyn ama u adkeen.
Macalinka Qaranka Talyaaniga Mr.Prandelli waxa uu sheegay in Qarankiisa lagu tuuray Guruub Horror ah (Bahlo galeen) balse eey si sharaf leh uga soo dhex bixi doonaan. Talyaaniga wexeey dhexda ka galeen Czech ,Denmark iyo Bulgaria .
Germany wexeey dhexda u gashay Sweden, Irland iyo Austria halka England eey daris la noqotay dalka marti gelin doono koobka Qaramada Yurub Euro 2012 waa Poland & Ukrain.
KOOXAHA QAARADA YURUB AYAA IS REEB REEBKA WORLD CUP 2014 SIDAAN ISKUGU DHACAY:
Gruppe A
Croatia
Serbia
Belguim
Scotland
Mazdonia
Wales
Gruppe B
Italy
Denmark
Czech
Bulgaria
Armenia
Malta
Gruppe C
Germany
Sweden
Irland
Austria
Faroe Inseln
Kasachstan
Gruppe D
Holland
Turkey
Hungaria
Romania
Estland
Andorra
Gruppe E
Norway
Slovenia
Swezerland
Albania
Cyprus
Island
Gruppe F
Portugal
Russia
Israel
Northirland
Aserbajaan
Luxemburg
Gruppe G
Giriiga
Slovakia
Bosnia
Litunia
Latvia
Liechteinstein
Gruppe H
England
Montenegro
Ukrain
Polen
Moldava
San Marino
Gruppe I
Spain
France
Georgia
Finland
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE NAGA SOO GAARAYA DHANKA CIYAARAHA KUBADA CAGTA AYAA WEXEEY SHEEGAYAA SIDAN:
Kooxda Kubada cagta ee Paris St. Germain oo Indhaha isku qabatay wexeey 40 Milyan oo Euro kala soo baxday Xiddiga Qaranka Argentina waa Ciyaaryahan Javier Pastore oo laga soo iibiyey kooxda Palermo ee Horyaalka Talyaaniga.
Laacib Javier Pastore oo 22 sano jir ah wuxuu Horyaalkii la soo dhaafay kooxda Palermo u saxiixay 11 gool 35 kulan oo uu saftay.
Xiddigaan waxaa u kululaa kooxaha Fc Barcelona, Juventus iyo Ac Milan.
*** Ajax Amesterdam oo heeysata Horyaalka Holland ayaa Ciyaar kulul oo ka dhacday Caasimada Amesterdam waxaa Koobkii Super-Cup-ka dalka Holland ka xayuubsatay kooxda heeysata Koobka Holland waa Twente Enschede.
Ciyaartaan waxaa daawashadeeda ka soo qeeyb gashay 45.000 oo Qof waxaana goolasha kooxda Twente Enschede u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Marc Janko iyo Ruiz halka goolka kooxda Ajax uu u saxiixay Ciyaaryahan Alderweireld.
*** Kooxaha waa weeyn ee dalka Ingiriiska waa Man Utd & Man City ayaa weli wexeey Dagaal xoogan ugu jiraan soo xera gelinta Laacibka Qaranka Holland iyo kooxda Inter Milan ee Horyaalka Talyaaniga Wesley Sneijder . Waxaa xaqiiqo ah in labadaan kooxood mid kood uu soo iibsan doono Laacib Wesley Sneijder ka dibna ku ciqaabi doono kooxda kale maadaama Wesley Sneijder uu dhanka Qadka dhexe cel celis yahay.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com