Maxaad kal socotaa Caruurta la garaaco iyo kuwa aan la garaacin qaabka eey ugu kala duwan yihiin dhanka wax maqalka Waalidka ? (Halkaan ka Daawo Barnaamish laga sameeyey Wax Maqalka Caruurta aan la Dilin).
Dhaqaatiirta ku taqsuustay horumarka Caruurta wexeey shaaciyeen in Caruurta la handado ama la Dilo mar kasta ineey si weeyn uga Darajo hooseeyaan kuwa lagu tarbiyeeyo Caqliga ama la sasabo. Inta badan Caruurta ku soo korta Dilka iyo Qeeylada badan wexeey la qabsadaan Dilkaas iyo qeeyladaas mana laga yaabo ineey arintaas ku soo celiso wadadii la la rabay ineey maraan.
Caruurta Dilka ku soo korta ee mar kasta Waalidkooda uu Garaaco Calaamadaha lagu yaqaan waxaa ka mid ah iyaga oo wax kasta ka been sheega kana fogaada wadada Runta. Sidoo kale Caruurta la Dilo waxaa yaraado wax Maqalkooda waxaana bata Indha adeegooda.
Waalidka Wanaagsan waa kuwa mar kasta Caruurtooda u Caqliyeeya kana ilaalsha wax yaabaha xun ee u hor seedi kara ineey Caruurta la qabsadaan Handadaad iyo Dil joogto ah.
Dhaqaatiirta ku hor martay Dhaqamada Caruurta wexeey kaloo aaminsan yihiin Ilmaha la Dilo mar kasta ineey u baran doonaan Dilkaas oo markii la Dilo uun eey fulin doonaan waxa laga doonayo.
Dhanka Caruurta aan la Dilin ee mar kaste loo Aqliyeeyo waxaa yar Beentooda waxaana badan Wax maqalkooda, hadaad wax u dirsato Caruurta aan la Dilin waxaa shaki ku jirin inuu si deg deg ah waxaad u dirsatay kuugu soo qabanaayo isaga oo ka cabsaneeyn Hanjabaad iyo Dil kaga yimaada Waalidkiisa.
Ugu dambeeyntii dhanka wax Maqalka Caruurta aan la Dilin iyo kuwo la Dilo sida lagu ogaaday wax tarkooda ayaad ka daawan doontaa muuqaalkaan oo laga sii daayey Tv-ga ARD 1 oo laga leeyahay dalka Jarmalka. Caruurtaan ayaa waxaa loo keenayaa Nuuca Shukulaatada eey ugu jecel yihiin iyaga oo baahan waxaana loo sheegayaa ineeysan cuni karin Shukulaatadaas maadaama mid kale oo intaas ka badan loogu maqan yahay ka dibna waxaa lagu Cidleenayaa Qol lagu xiray Kaamero si loo la socdo heerka uu gaarsiisan yahay wax maqalkooda . !! Intaas ka dib maxaa dhacay, Mexeeysa sameeyeen Caruurtii baahneed ?
BY: Barre Abdul Cirbad (Jeey) www.Xiriiriye.com,
Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka .