La Yaab : Saxaafada Jarmalka oo Dacaayad Raqiis ah oo lagu qoslo ku biloowday Laacibiinta Turkiga ee ku nool Dalka Germany
Akhristoow sida aad uga jeedid Sawirka hore ee Joornaalkaan Sportiga oo lagu magacaabo (Bild) kana soo baxa wadan-kaan Germany ayaa waxaa kaaga muuqdo oo Boga hore eey ciwaan uga dhigeen Calankii Jarmalka oo dhexda laga geliyey Bil & Xiddig calan ah oo eey leeyihiin Turkiga iyo Mesut Özil oo Real Madrid gadatay oo Laacibiita kale ee Turkiga ah ee ku dhashay Jarmalka u gacan haatinaya isaga oo leh sidan: (Maxaad ugu dheeli weeyseen Qaranka Germany, kaalaya u dheela Germany) !!
Dacaayadaan Raqiiska ah ee saxaafada Jarmalka ka sameeysay Mesut Özil oo maanta si weeyn loogu soo dhaweeyey Garoonka kooxda Real Madrid oo uu Duhurnimadii maanta caga dhigtay ayaa waxa la sheegay in Jarmalka eey ku doonayaan ama maskaxda uga dilayaan Ciyaartooyda kale ee Turkiga ah oo aanan weli ku biirin Qaranka Turkiga halka qaar badan oo ku dhashay Jarmalka eey diideen ineey u dheelaan Qaranka Germany ka dibna ku biireen dalkoodii hooyo ee Turkey.
Dalka Jarmalka ayaa waxaa ku nool oo in ka badan boqo sano ka hor soo galay waagii cusmaaniyiinta ilaa dad gaaraya 2-milyan oo wax yar dhiman taas ayaana u sabab ah in jarmalka eey ka soobaxaan Laacibiin uusan ka maarmin oo ka dib u hayaama wadankooda hooyo ee Turkiga sida hamit Altintop, Nuri Sahin, yildiray Bastürk, Hakan Balta, iyo kuwo kale oo aad u badan, waxaana Jarmalka eey nasiib u yeesheen in qarankooda eey ku sir sirtaan Laacibkii weeynaa mehmet school & mesut Özil.
Ugu dambeentii Wargeeyska (Bild) ayaa dacaayada raqiiska ah waxa uu ku soo gaba gabeeyey sidan:( Ninkii Qaranka Germany u saftaa waxa uu Mustaqbalka u ciyaari doonaa Real Madrid iyo kooxo kale oo ka sii waa weeyn sida Mezut Özil)
Mesut Özil oo dhoor jeer sheegay in uu jecel yahay Wadankiisa hooyo ee Tukiga inuu u safto ayaa taas badal keeda waxa uu sheegay inuu Qaranka Turkiga boos ka waayey maadama xiligaas oo 1-sano ka hor eheed uu macalin u ahaa Fatih Terim oo aan jecleeyn Laacibiinta ku dhalatay wixii Turkiga ka baxsan ama banaanka ka ah hadana waxaa Macalin u ah Qaranka Turkiga Tababaraha weeyn ee looyaqaan (Jidka guusha) waa Guus Hiddink oo u dhashay Holland iyaga oo kala soo wareegay Dalka Ruushka oo uu Koobkii Qaramada yurub ee 2008-kii meel aad u wanaagsan geeyey Qaranka Russia weliba waxa uu xiligaas reebay Dalkiisa hooyo waa Qaranka Oranje ee Holland.
Sheekadaan Cusub ee Barabogaandada ah ayaa looga fadhiyaa Laacib Mesut Özil oo Nin aad u Aqlaaq badan ah Jecelna dhaqankiisa & Wadankiisa Hooyo in uu si deg deg ah uga Jawaabo beenta eey ka sheegeen Jaraaidka Sportiga ee Jarmalka iyaga oo ku diraya Ciyaartooyda Kale ee asalkoodu Turkiga yahay.
Ogeeysiin: Filo Goor dhaw >> Barnaamishka (Ku biiri Aqoontaada Sport ) oo Maanta aad u xiiso badan . Waxaa uu ku saabsanaan doonaa War deg deg ah oo aanu hada helay kaas oo ku saabsan Lacag aad u badan oo eey xiddigaha ugu caansan Fc Bayer München waa Frank Ribery & Hamit Altintop ugu deeqeen sanad-kaan Xajka ama Dadka xujeeyda ah ee aanan awoodin ineey xajiyaan..Labadaan Ciyaaryahan oo sanad-kii la soo dhaafay soo xajisay ayaa Balan eey horay u qaadeen doonaya ineey fuliyaan...Waxaa wareeystay laacibiintaan wargeeys Sport oo caan ah . Waxaan kaloo idiin soo bandhigeeynaa ilaa 20-Meeyo laacib oo aad si weeyn u garaneeysaan weliba caan ah oo Islaam ah mana laga yaabo inaad ku fakartay aqristoow in ciyaartooydaan eey muslim ahaayeen waadna yaabi doontaa maxaa yeelay www.xiriiriye.com kama leexdo Runta iyo Cadeenta iyo Cadaalada taas ayaana sabab u ah in Booqashada www.xiriiriye.com si weeyn cirka iskugu shareerto.. filo arinkaan deg dega ah oo wata Video Daawasho ah!!
Waxaan kaloo idiin soo wadnaa Laacibiinta ugu caansan Qaarada Yurub ee ka kala ciyaara Horyaalada England, Italy, Spain, Germany, France iyo holland oo Gawaari qaali ah is kugu faanaya weliba Nuucyada baabuurta eey kala wataan oo aad magacyadooda www.xiriiriye.com uga bogan doontaan iyada oo Video-ah.
Waxaa soo socda sidoo kale Warar kale oo news ah weliba aad u xiiso badan ! Filo-Saacad kasta War_Cusub.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
W/D Omar Ali Omar
Xiriiriyaha sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com