Degmada Wardhiigleey oo Hees cusub oo amaan ah u qaaday dhamaan Degmooyink kale ee Gobolka Banaadir markii eey ku farxeena hadana gadaal si weeyn uga xanaajisay. (Halkaan ka Daawo)
Hees cusub oo aad mucjiso u ah loona fasirtay ineey Degmada Wardhiigleey u qaaday amaan balaarana u tirisay Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir ayaa wexeey noqotay dhamaadkii Heesta mid buuq iyo xanaaq isku badashay maadaama Wardhiigleey dhamaadkii heesta eey amaanta iyada isku koobtay.
Qisada heestaan oo loola jeeday in Degmada Wardhiigleey eey aad u jeceshahay dhamaan Degmooyinka kale ee Gobalka Banaadir ayaa dhamaadkii heesta waxaa ka xanaajiyey Degmooyinkii kale ee Gobolka Banaadir ka dib markii eey Degmada wardhiigleey Heesta cusub ku soo xirtay (Wardhiigleey Waa Wasaarad inta kale waa Wakaalad) eraygaas oo ah mid xiliydii Nabada eey ku shirbi jireen dadka ka soo jeeda Degmada Wardhiigleey oo Wasaarad isa siiyey halka Degmooyinka kale ee Gobalka Banaadir eey ku tilmaami jireen Wakaalad iwm.
Heestaan Cusub ayaa waxaa soo saaray oo Habeenkii Ciida ka qaaday Xafladii ka dhacday Magaalada Frankfurt ee dalka Germany kooxda Walaalaha Sii Sii Somband oo ayaan taan Shacbiyad weeyn ka helay dad badan oo Soomaaliyeed maadaama eey kooxdaan soo saaraan Heeso Cusub iyo Music cusub oo horay aan loo maqal Bulshadana soo jiitay.
Kooxdaan ayaa waxaa horboode iyo heesaa sameeysto Miraha u ah Tifaatiraha www.xiriiriye.com Omar Ali Omar (Omar Sii Sii) wexeeyna soo saareen Albuno CD-ah oo aad u fara badan halka kii ugu dambeeyey eey soo saareen maalintii Ciida eheed ee Doraad. Halkaan ka Daawo Heesta Cusub: http://www.youtube.com/watch?v=pk2C-Qbcphs