News : Xaaska Frank Ribery oo sheegtay in Ninkeeda inta uu ku Mashquulsan yahay Champions League iyo Horyaalka eey ka difaaci doonto Saxaafadii been ka qorta. Iyo Warar kale.
Xiddiga weeyn ee Qaranka France iyo Kooxda Bayer München Frank Ribery ayaa waxaa Saacad ka hor la wareeystay Xaaskiisa Wahiba Belhami oo u dhaltay Dalka Aljeeriya.
Tv-ga www.sport1.de oo soo daayey wareeysiga Wahiba oo labada dhinac eey ka fadhiyeen 2-Gabdhood oo eey u dhashay Laacib Frank Ribery ayaa sheegtay in wixii ka biloowdo Maanta aan looga hari doonin Saaxaafada wax been ah hadeey ka qoraan Ninkeeda Ribery oo eey ku sheegtay ineey ka jeceshahay labadeeda Indhood.
Wax badan ayaan u dul qaadanay Hantaataca qaar ka mid ah Saxaafada oo lacag ku raadsada ineey been naga qoraan ama yiraahdaan weey isku kacsan yihiin Ribery & Wahiba iyaga oo ku hela Magac iyo inuu u gadmo warkaas been abuurka ah oo eey naga qoraan ayey tiri Wahiba oo wajigeeda uu ka muuqday caro xoogan.
Gabdhaha eey Wahiba u dhashay Laacib Frank Ribery ayaa lagu kala magacaaba sidan : Hizaya oo 4-sano Jir ah iyo Shahinez oo 2-sano jir ah.
Warkaan eey Maanta xaqiijisay Wahiba ineey Ribery Afhayeen u tahay ayaa waxa uu suurto gelin doonaa in kuwo badan oo saxaafada ka mid ahaa oo qori jiray Ribery ayaa Barcelona u socdo, Ribery ayaa Real Madrid heshiis hoose la galay, iyo Ribery ayaa ku kacsan kooxdiisa Bayer München iyo Xaaskiisa Wahiba soo afjari doontaa maxaa yeelay Shaqsi ahaan uma uusan jawaabi jirin Saxaafada nuucan camal ah oo ku raadsata magac iyo lacag.
Xiriiriye World Sport News waxaa ka mid ah :
Wareeysi uu Ciyaaryahan Ronaldinho oo AC Milan u safta bixiyey ayuu ku sheegay in uu aad u soo dhaweenayo imaanshaha Xiddiga Qaranka Sweden & kooxda Barcelona Zlatan Ibrahimovic oo ku soo jeeda Naadiga Milan.
Ronaldinho ayaa sidoo kale Daboolka ka qaaday in uu soo socdo Robinho, waxaana Akhristoow qosol eheed markii Wariyhii wareeysanayey Ronaldinho uu weeydiiyey Sababta Milan kooxda uga dhigtay Ronaldinho, Robinho iyo Ibrahimovic oo dhamaan wada ah Axsaabta lagu yaqaan Gambiska fara badan, waxaana uu ku jawaabay ronaldinho sidan: Waxaan rabnaa inaan Horyaalka Talyaaniga waji cusub u furno oo ka badalno Difaaca eey kooxaha inta 1-gool dhaliyaan Dabada xirta si aan looga soo gudin halka gool ee eey dhaliyeen.
Waxaa kaloo Xiriiriye World Sport News cusub:
Juventus oo iska fasaxday Laacib Diego oo u socda Kooxda Wolfsbrug ee Horyaalka Germany iyo iyaga oo soo wato Weeraryahanka Kooxda Udienese iyo Qaranka Talyaaniga Antonio Di Natale.
Sky-Sport ayaa qoray qiimaha Antonio Di Natale eey Juventus ku soo xero gelineyso uu yahay 7-Milyan oo Euro.
Filo Goor dhaw Barnaamishka ILA QOSOL SPORT oo www.xiriiriye.com ka baxo Qamiis & Axad kasta, waxaana uu Maanta ku saabsan yahay Ruwaayad laga sameeyey Kooxda Barcelona iyo Ream Madrid waana Daawasho Video ah.