Wariyaashii Waa Dil, Culumadii kii hadla waa ha la Qalo,Dhalaankii waa Halaag & Qarax, Baarlamaankii Feer iyo Fara laab, Badii Burcad & Boob, Shacabkii Qax & Qaraw (Wadan Guud ahaan isla Qiiqay)
Inaa Lillahi Wa Inaa Ileeyhi Raajicuun, Soomaaliyeey maanta maxaa idiin harsan? Xumaanta intaan ka badan oo imaan karta mexeey noqon kartaa?
Bal maanta dalkii Hooyo dhinac kasta ka fiiri : Baarlamaankii Musumaasuq Feer iyo Fara laab ayuu ku mashquulsan yahay. Wariyaashii dhibka Schacbka heeysta soo tabin lahaa waa Dil & Toogasho. Badii wexeey Isbaaro u taal Burcad badeed & Cadaw kale oo boob ku haya. Cirkii waa Diyaarado & Duqeeyn.
Culumadii iyo Mashaa´iqdii Diinta kii hadlo waxaa lagu xukumay in la soo Qalo oo dhegta dhiiga loo daro.Dhalaankii iyo Ubixii dalka waa la Qarxinayaa.