MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Joornaaliistayaal iyo Dalxiisayaal ka tagay Wadamada Yurub oo lagu laayey Gudaha dalka Itoobiya & Dawlada dalkaas oo eedeeyn loo soo jeediyey (Daawo dalalka ay u dhashheen)
Rag aqoonyahano reer Yurub ah oo iskugu jiray Joornaalistayaal iyo Dalxiisayaal ayaa waxaa lagu laayey Gudaha dalka Itoobiya gaar ahaan meel u dhaw xuduuda ay wadaagaan dalalka Itobiaya iyo Eretareeya.
Aqoonyahanadaan ayaa goobta lagu laayey waxaa lagu magacaabaa ERTA ALE wexeeyna halkaas u tageen si ay uga soo war bixiyaan ama u soo Sawirtaan Valkaano halkaas dhawaan ka qaraxday oo lagu sheegay in laga barto maadooyin loo isticmaalo Cimilada cusub.
Aqoonyahan u dhashay dalka Beljemka oo lagu magacaabo Bruno Van den Bossche oo watay Guruubkaan ayaa waxaa soo weeraray Maleeshiyaad hubeeysan oo doonayey ineey Afduubtaan dadkaan Ajanabiga ah waxaana isla goobtii ku Geeriyooday 5 ka tirsan Joornaaliistayaashii iyo Aqoonyahanadii dalxiiska ku joogtay ERTA ALE halka qaar kale Nolasha lagu kaxeeystay.
Raga la laayey wexeey u kala dhasheen Wadamada Germany 2, Austria, Beljemka iyo Hungaria.Wasaarada Arimaha gudaha ee dalka Itoobiya ayaa lagu eedeeyey ineey ka gaabisay sugida Amniga Aqoonyahanadaan oo marti ku ahaa gudaha dalka Itoobiya.