Mucjisooyinka Caalamka : Volkaanihii Fc Barcelona iyo Leo Messi Necbanaayeen >> Volkaanihii dalka Iceland oo mar kale Qarxay & Qaar ka mid ah Diyaaradaha dalalka Yurub oo durbadiiba looga digay ineey Aagaas maraan (Halkaan ka Daawo Qaraxa Volkaanada)
Waxaa inta badan weli Dhagaha dadka Safarka ah ee Wadamada Yurub ka sii yeeraya Qasaarihii eey geeysatay Sanadkii la soo dhaafay Buurtii Volkaanada eheed ee ka Qaraxday dalka Iceland. Xiliga eey Qaraxdo Buurtaan Volkaanada ah waxaa yaraada isku socodka dhanka Dadka Safarka ah ee isticmaala Diyaaradaha.
Voolkaanadaan xiliga eey Qaraxdo wexeey Caad ama Qiiq Daruur ah u soo Xawishaa inta badan Wadamada Yurub gaar ahaan kuwa dalka Iceland deriska la ah. Xiliga uu socdo Qiiqa Volkaanada waxaa sidoo kale is arki waaya Diyaaradaha kala duwan ee xambaarsan Dadka Rakaabka ah. Sanadkii la soo dhaafay waxaa la mabnuucay oo inta badan Dalalka Yurub isku raaceen in Garoomadooda Diyaaradaha hakad la galiyo inta uu socday Qiiqa Volkaanada oo Dalal badan ka qarisay iftiinkii Qoraxda.
Kooxaha Kubada Cagta ee ka balansanaa koobka Champions League ayaa Xiligii Volkaanada Isbaarada dhigatay Cirka waxaa lagu daabuli jiray Basas eey ku tagi jireen dalal ama magaalooyin aad u kala fog sida kulankii kooxda Fc Barcelona Basaska lagu xaabiyey iyaga oo Ciyaar la leh kooxdii xiligaas koobka Champions League qaaday oo eheed Inter Milan.(Inter Vs Barca 3-1).
Kulankaan waxaa la gaaday Fc Barcelona oo Daalan maxaa yeelay waxaa xirnaa Waqtigaas qadka Diyaaradaha wuxuuna Laacibka Fc Barcelona ku cel celiyey dhoor jeer in habeenkaas kooxda Inter Nasiib ku fakatay maadaama Maalin & Habeen dhan Safar soo ahaayeen eey kooxda oo Idil Lugaha ka dhaashay !!! Halkaan ka Daawo Inter Vs Fc Barcelona iyo habeenkaan sidii Cagaha looga Tumay Barca >>> http://www.youtube.com/watch?v=tGnirCVzSHA