Horyaalka Dalka Ruushka ayaa waxa uu Nr1 ka galay Horyaalada ugu Khatarta iyo fidnada badan ee Caalamka. Dhibaatada eey ku kacaan Taageerayasha Dalka Ruushka oo aan dhamaan inta badana Xiriirka Fifa & Uefa ganaax raaxada uga qaadeen ayaa waxaa sabab u ah Qamriga loo yaqaan Vodka oo inta badan Taageerayaasha qalbigooda ka dhiga Caag iyo ineey iloobaan waxa ama xaalada eey markaas ku sugan yihiin.
Akhristoow Barnaamishkaan La Yaab oo aad uga barateen wax yaalo kaa yaabiyo marka la fiirsho dhanka kubada cagta ayaa Maanta waxaan idiin heeynaa Arin yaabkeeda leh oo ka dhacday Horyaalka Ruushka.
Waxaa dhacday in Ciyaar kulul oo dhex mareeysay Kooxaha waa weeyn ee Spartak Moscow Vs Sturn Rigoore loo dhigay Kooxda Spartak oo u diyaar garoowday ineey dhaliyaan ama uu u dhaliyo Xiddiga Brazilianka ah ee Alex.
Taas ma dhicin oo waxaa Garoonka si qaldan dalaq ku soo yiri Taageere weeyn oo isla kooxda Spartak ka tirsan kaas oo mooday in Rigoorada iyaga laga dhigay balse waxaa ka tan badiyey Qamriga loo yaqaan Vodka oo Taageerayasha Ruushka Caag & Maskax la´aan ka dhiga.
Ugu dambeentii isaga ayaa dhaliyey Rigooradii waxaana loo sheegay in Kooxdiisa loo dhigay Rigoorada uu dafay ee uu dhaliyey balse waxa uu ku jawaabay sidan: Anaaba si qurux badan oo aan la celin karin u dhaliyey weliba ka sii wanaagsan sida Alex uu u gamo: La Yaab.
Taageerihii yaab kaan sameeyey ayaa hada dhex jiifo xabsi maadama uu gadaal ka shalaayey isaga oo sheegay inuusan garan karin sida eey wax u dhaceen.
Dhanka kale wararkii ugu dambeeyey oo News ah ayaa waxa eey sheegayaan in sidoo kale Kooxda Newcastle 6-0 u dhiibtay Kooxda Aston villa taas oo noqoneeyso rekord cusub iyo dar dar eey la soo baxeen kooxaha horyaalka Ingiriiska.
Shalay ayey eheed Markii Kooxaha Arsenal iyo Chelsea iskugu faaneen 6+6 gool oo eey ka soo kala dhaliyeen Wigan iyo Blackpool.
Goolasha Newcastle Astonvilla ku dubatay ayaa waxaa 3 ka mid ah u saxiixay Carroll , 2-na waxaa u dhaliyey Laacib Nolan halka midka 3-aad uu raacsaday Barton.
Manchester Utd ayaa fursad qaali ah iska qasaarisay ka dib Ciyaartii eey Fulham qaabishay oo daqiiqado ka hor ku soo gaba gaboowday 2-2 waxaana Man Utd Rigoore ka qasaariyey Luis Nani.
Goolka Man Utd waxaa u saxiixay Rugcadaaga weeyn Paul Scholes halka goolka kale Fulham uu ka dhaliyey Laacibkooda Qaranka Norway oo ka yaabsaday bahda Sportiga ka dib markii kooxdiisa Fulham uu gool ka dhaliyey balse iska soo guday dhamaadkii ciyaarta ka dib markuu Man Utd 90-daqiiqo ciyaarta oo mareyso ka xareeyey Laacibkaas dhirirka badan. halkaan daawo kulankii Wigan vs Chelsea : http://www.youtube.com/watch?v=Clfjk23kmn4&feature=search