Maalintii 2-aad oo Xiriir ah Diyaarado dad ku laayey dalka Mareeykanka ayaa waxaa sii badanaya Dhimashada iyo Dhaawaca (Halkaan ka Daawo Diyaaradaha oo Si Live ah u dhacaayo) Sirdoonka Mareeykanka qeeybta qaraxyada Diyaaradaha (NTSB) wexeey bilaabeen baaritaanka sababta dhalisay in 2-maalin oo isku xigto eey dhacaan Diyaarado la sheegay ineey Dabaaldeg ku jireen. Gobolo iyo magaalooyin ka tirsan dalka Mareeykanka waxaa ka socdo Dabaal degyo la qabto sanad walba xiligaan oo kale laakiin sanadkaan goobihii uu ka socday Dabaaldega waxaa ku daatay Dhiig dad Shacab u badnaa.
Magaalada Dhimashada ugu badan eey ka dhacday waxaa lagu magacaabaa Nevada oo goob kaliyah eey ku dhinteen dad tobaneeyo kor u dhaafay waxaana Diyaaradii goobtaas ku soo dhacday oo nuuceeda eheed Air Race Reno P 51 waday Duuliye isla goobtaas ku geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Pilot Jimmy Leeward wuxuuna ahaa 74-jir.
" Mudo 40-sano ka badan ayaanu dhigeeynay Xafladaan dabaal dega ah welina ma dhicin inuu hal qof ku dhaawacmo hadane Shalay iyo maanta oo kaliyah Dhimashada dadkii eey Diyaaradaha ku soo dul dhaceen 17-qofood kor ayeey u dhaftay waana wax keeni kara Shaki balaaran ayuu yiri Duqa maagaalada Nevada Mr. Bob Cashell.
Sidoo kale magaalada Virginia ayaa iyana waxaa ku soo dul dhacday dad kale oo dabaal degayey Diyaarad kale oo 3-qof dhimashadooda sababsatay halka 7-qof eey ku dhaawacmeen .
Halkaan ka Daawo Diyaaradaha dhacay http://www.youtube.com/watch?v=EaEJzqNJedM