Maalintii Qamiista ayeey eheed markii uu Ciyaaryahan David Villa ka jabay Lugta bidix kulankii dhex maray kooxaha El Sadd Qadar Vs Fc Barcelona (0-4).
Isla maalintii ku xigtay ee Jimcaha waxaa laga soo dajiyey Weeraryahan David Villa Garoonka ay ku kala badashaan Diyaaradaha ka yimaada qaarada Asia iyo kuwo u kala gooasha dalalka Yurub kaas oo ah Frankfurt/Main kuna yaal dalka Germany gaar ahaan magaalada Frankfurt.
Weeraryahan David Villa tan iyo maalintii Qamiista eheed ee uu jabay ilaa hada weli lama qalin waxaana lagu wadaa maanta oo Isniin ah 19.12.2011 in lagu sameeyo Qaliinkii ugu horeeyey. Qamiistii ka soo biloow ilaa hada Xanuunkii hayey inta laga qalaayo waxaa looga hor tagay ama la siiyey Daawada loo yaqaan Kabaabisada ee Qofka ka dhigta Qof aan dhaqaaqi karin oo waliba aan dareemeen wax Xanuun ah. (Hoos ka Akriso qeeyb ka mid ah Wararkii ay Saxaafada Sportiga ka qortay David Villa) !!!
Weeraryahan David Villa oo isku dhex yaacay wuxuu Dhaqtarkiisa weeydiiyey maalintii Sabtida eheed 17.12.2011 cida qaaday koobka qaaradaha Aduunka oo Fiinaalihiisa lagu waday inuu dhex maro kooxaha Fc Barcelona vs Fc Santos Axad 18.12.2011. Yaab, Maskaxdiisa ma joogto maalin ka hor ayuu weeydiiyey Dhaqtarka natiijada kulankii Baraca Vs Fc Santos.
Intaas kuma harin Weeraryahan David Villa ee hada ayuu balaayo dhigay, Muxuu yiri? Sheeko wuxuu keenay aanan meesha oolin !! Wuxuu yiri hadaladaan >>> (Ich bin überzeugt, dass ich so bald wie möglich gesund werde", sagte Villa. ?Ich will im Finale in München dabei sein. Ich weiß, dass meine Teamkameraden es bis ins Endspiel schaffen werden." Das Finale findet am 19. Mai 2012 statt. Auch an der EM in Polen und der Ukraine wolle er teilnehmen, betonte der Torschützenkönig der EM 2008. ?Ich werde hart arbeiten. Man kann auf mich zählen."
Horaa loo yiri Alloow qofaan wax ogeeyn ha Cadaabin, David Villa ayaa yiri sidan " Waxaan dareemayaa inaan Ciyoon dheeli karo, Waxaan doonayaa inaan Dheelo Fiinaalka Champions League oo 19-ka bisha Meey ka dhici doono magaalada Munich, Waan ogahay ineey kooxdeeyda soo gaari doonto Fiinaalka Koobka Champions League, sidoo kale ma rabo inuu i dhaafo Koobka qaramada Yurub oo ka furmi doona dalalka Ukraine iyo Poland,,
David Villa oo Gooldhalinta Koobkii Qaramada Yurub ee 2008-kii qaaday ayaa mar kale yiri sidan (Ich werde hart arbeiten. Man kann auf mich zählen) " Waxaan ahaan doonaa mid shaqo adag qabto, Qof kaste waa inuu igu xisaabtamo,,
Dhaqtarkiisa oo Qaatu billahi ka taagan David Villa ayaa hadane waxa uu yiri ha la ii keeno Kumpiyiitarkeeyga Leptop-ka ah, markii loo keenay ayuu Facebookiisa wuxuu ku diray Yaab kale isaga oo Taageerayaashiisa oo ku kala nool Dunida Dacaladeeda ku yiri sidan " Fiinaalka Champions League waan dheeli doonaa sidoo kale Koobka Qaramada Yurub ee 2012-ka isagana waan ciyaari doona yaan la iga wal walin,,
Waa Yaabee yaa Riyadaan oo kale weli ku dhex arkay Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta? . Marka la Qalo Dhaqtarkiisa qaaska ah wuxuu Saxaafada u sheegay ugu yaraan inuu Garoomada ka maqnaan doono 5-Bilood ama ka badanba isagana waxa uu hada ka hadlayaa Barcelona oo aan la ogeeyn ineey Fiinaalaha Champions League soo gaari doonto ama koobka Qaramada Yurub oo uu yiri si adag ayaan u shaqeeyn doonaa ama u Ciyaari doonaa . (Bahda Xiriiriye.com Qosol ayeey la dhaceen markii ay War bixintaan arkeen, Waa Qaraw iyo Riyo aan Qarsooneen) !!
Qaar ka mid ah Saxaafada dalka Spain weey Difaaceen Weeraryahan David Villa wexeeyna ku tilmaameen inuusan wax Qalad ah laheeyn maadaama uu yahay Xiddig ku duran Kabaabiso oo sidii uu doono u hadli karo . Arinta ugu yaabka badan wexeey tahay Kabaabisada lagu duray oo lagu sheegay ineey tahay mida dadka ka dhigta Qof Faraxsan (Happy) si uusan u dareemin dhibkii dhacay iyo Dhaawicii halista ahaa ee soo gaaray. (Allahumanajeena) !! >> Hoos kala soco isku dhex yaaca David Villa iyo qaar ka tirsan Saxaafada Caalamka oo sheegtay in loo baahnaa in Hantaaticiisa laga qariyo war baahinta inta laga qalaayo ama uu ka caafimaadaayo ).
?Ich werde hart arbeiten"
Der spanische Teamspieler David Villa hat trotz seines Schienbeinbruchs die Hoffnung auf eine Teilnahme an der Europameisterschaft 2012 nicht aufgegeben. Er hoffe, bis zum Finale der Champions League im Mai 2012 wieder fit zu sein, betonte der Torjäger des FC Barcelona in einer über Facebook verbreiteten Botschaft an die Fans.
?Ich bin überzeugt, dass ich so bald wie möglich gesund werde", sagte Villa. ?Ich will im Finale in München dabei sein. Ich weiß, dass meine Teamkameraden es bis ins Endspiel schaffen werden." Das Finale findet am 19. Mai 2012 statt. Auch an der EM in Polen und der Ukraine wolle er teilnehmen, betonte der Torschützenkönig der EM 2008. ?Ich werde hart arbeiten. Man kann auf mich zählen."
Der Welt- und Europameister hatte sich am Donnerstag im Halbfinale der Club-WM in Japan das linke Schienbein gebrochen. Nach dem Flug über Frankfurt/Main nach Barcelona am Freitag soll er am Montag operiert werden. Nach Angaben des FC Barcelona wird Villa voraussichtlich vier bis fünf Monate ausfallen