Xiddigaha Al Sadd oo Dhulka la simay Weeraryahan David Villa iyo Maamulka Barcelona oo hadalo Mucjiso ah kaga jawaabay Dhaawacaas qatarta ah .
Kulankii Fc Barcelona Vs kooxda Al-Sadd oo ka socotay dalka Qadar waxaa Garoonka laga saaray Daqiiqadii 36-aad Weeraryahan David Villa oo cabaadaayo ka dib markii ay dhexda gashteen ama isku baduujiyeen Dhoor Ciyaaryahan oo Al Sadd kaga ciyaara dhanka Difaaca.
Arintaan waxaa aad uga naxay Xiddigaha Catalonia Fc Barcelona oo siyaabo kala duwan uga hadlay dhaawaca Weeraryahan David Villa waxaa Hadaladii ugu yaabka badnaa ku hadlay Goolhaye Victor Valdes, Sportdirektor-ka Fc Barcelona Mr. Andoni Zubizarreta iyo Macalin Josep Guardiola.
Goolhaye Victor Valdes wuxuu yiri sidan (Lieber hätten wir das Spiel verloren und David wäre unverletzt geblieben) " Waxaa naloo qaatay in ciyaartaas nalaga badiyo oo uusan David naga dhaawacmin,,
Sportdirektor-ka Fc Barcelona Mr. Andoni Zubizarreta wuxuu yiri isna sidan (Wir alle hätten lieber aufs Finale verzichtet und Villa gesund behalten) " Dhamaanteen waxaa inoo wacneed anaga oo Ciyaarta Finalka ah dhib u marna Villa-na uu Caafimaad noola joogo,,
Macalin Josep Guardiola ayaa dhankiisa sidaan yiri (Es tut uns allen leid für ihn. Das ist ein schwerer Schlag für die gesamte Mannschaft. David wird lange ausfallen. Ich weiß nicht, wie lange, aber so eine Verletzung ist langwierig." Guardiola teilte weiter mit, dass Villa bereits mit einem Riss im Knochen zur Club-WM gefahren sei) " aad iyo aad ayaan uga xunahay dhamaan kooxdeena oo idil , wuxuuna Villa maqnaan doonaa Bilooyin badan , ma tilmaami karo inta bil uu maqaan doono laakiin dhaawac xun ayaa soo gaaray xiddigaas,,
Weeraryahan David Villa wuxuu heeystaa Iskoorka xiddiga ugu Goolasha badan Qaranka Spain (La Roja) 81-kulan oo uu saftay waxa uu Shabaqa ku hubsaday 50-Gool. David Villa kooxda Fc Barcelona wexeey 40-Milyan oo Euro kaga soo iibsatay kooxda Valencia sanadkii 2010-ka.
Kulankii Finaalaha Club World Cup loogu soo baxayey ee dhexmaray Fc Barcelona Vs Al Sadd Qadar wuxuu ku dhamaaday 4-0 oo ay ku badisay Fc Barcelona waxaana Goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Adriano oo 2 Gool ku tuurtay, Seydou Keita hal gool ayuu dhaliyey iyo Mudaafac Maxwell oo raacsaday Goolka 4-aad Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=YOSDWyL7ihY.
Maalinta Axada ah waxaa si weeyn Ciyaarta Fiinalaha Koobka Qaaradaha Adduunka Club World Cup iskugu dhaarsan Leo Messi oo Fc Barcelona Darawal u ah iyo Neymar Da Silva oo Hogaamiye kooxeed ka ah kooxda Fc Santos oo ka dhisan dalka Brazil .
FILO GOOR DHAW FAAQIDAADA KOOXIHII CHAMPIONS LEAGUE EE QOORTA LA ISKU GALIYEY