La yaab : Qaar ka mid ah ciyaartooyda ugu caansan Caalamka oo Malaayiin Euro qaata ayaa hadana nafsadooda Qatar u galiya shilimaad yar. War bixin laga qoray David Villa isaga oo saaran 9-Dabaq dushooda Xargo waa weeyna gadaal uga xiran yihiin oo noqotay mida ugu hadal heeynta badan dalka Spain.
Jaraaidka iyo Telefishinada dalka Spain ayaa dhulka ku jiiday oo si weeyn u ceebeeyey Weeraryahanka Qaranka Spain & kooxda Fc Barcelona David Villa Sanchez.
Ciyaaryahan David Villa ayaa 19.05.2010, Saacadu markeey eheed 12:25 waxa uu si toos ah ugu soo biiray kooxda Fc Barcelona oo ku soo iibsatay 40-Milyan oo Euro xili ciyaareedkaan hada socda waxaana laga soo iibsaday kooxda Valencia. David Villa ayaa waxa uu Naadiga Barcelona ka qaataa Lacag aad u xoogan oo eeysan qaadan qaar ka mid ah ciyaartooyda kooxdiisa. " Shaqsiga dhaqaalaha sidaas u tirada badan heeysta waa maxay Baahida ku sababtay inuu Dabaq 9-Biyaano ah lacag yar darteed Naftiisa ugu haligo?
David Villa soo ma oga in Xargaha gadaal uga xir xiran ee ka laad laado Dabaqaas dheer mar quraa eey go´i karaan uuna ka dhiman doono Malaayiinta Euro ee Bankiyada uga buuxda isaga oo raadinaayo wax ka yar hal Milyan oo Euro? : Hadaladaas iyo kuwa kale oo badan waxaa David Villa ka qoray kana sii daayey War baahinta Spain.
Qaar ayaa Jaraaidyada wexeey leeyihiin David Villa 9-Dabaq dushooda baahi uma geeyn inuu koro ee waxaa uu iska rabay Faan iyo in la sheeg sheego maadaama uu Xabadka ku qortay David Villa Best isaga oo xayeeysiinaayo Jaakado iyo kabo Sport.
Ugu dambeentii war baahinta ayaa wexeey leedahay Ninkii soo joog laga waaya soo jiifa ayaa laga helaa waxaan sugnaa waa David Villa oo 9-ka dabaq dushooda ku sii darsada 1-dabaq kana dhiga 10-Dabaq si uu lacag fara badan u helo !!
Jaraaidka ayaa wexeey leeyihiin David Villa waxaa waalay Shirkad uu leeyahay Boss-ka kooxda Valencia ahna saaxiibkiisii hore ninka lagu magacaabo Manuel Llorente.