(Canal Plus Sport) : Sharad waxaa dhigan kara oo kaliyah Xiddigihii si wanaagsan isku fahma, Maxaad kala socotaa Qisadii dhex martay Laacibiinta sida weeyn isku fahmay ee Kaftankoodu uu gaaray in Sharad la dhigto dhanka Qaramada eey u kala Ciyaaraan ee France & Serbia (Nemanja Vidic Vs
Patrice Latyr Evra). Nemanja Vidic wuxuu Sharad ku dhigtay sidan " Qaranka France kaalinta 1-aad ee Guruub D kuma soo bixi doono oo waxa eey soo gali doonaan is reeb reeb (Play Off), Qarankena Serbia kaalinta 2-aad ayuu ka geli doonaa Guruubka aanu ku wada jirno Italy ee Guruub (C), waxaan jeclahay intaas ka dib inaan Play Off-ka isku dhacdo Saaxiibkeey Evra,, Patrice Latyr Evra wuxuu dhankiisa Sharad ku dhigtay sidan " France kaalinta 1-aad ayeey Guruub D uga soo bixi doontaa,mana soo geli doonto Play Off, Qaranka Serbia ma rabo inaan ka hadlo soo bixitaankooda maxaa yeelay kaalinta 2-aad wexeey kula tartamayaan wadan aad u yar oo aan Maslaxa Ciyaaraha kubada Cagta laga aqoon (Estonia),, Canal Plus : Sharadkaan oo noqday mid Habaar ah waxa uu Hilfaha u qaaday Nemanja Vidic ka dib markii eey Slovenia 1-0 kaga badisay Serbia wuxuuna Vidic Kulankaas Qarankiisa Serbia ka qasaariyey Goolkii rigoorada oo eey ku soo bixi lahaayeen Daqiiqadii 66-aad. Halkaan ka Daawo http://www.youtube.com/watch?v=XuHZkYfnieA . Patrice Latyr Evra mar la weey diiyey inuu Sharadkii ka helay ama kaga guuleeystay Vidic waxa uu evra ku jawaabay hadal la la yabay oo sidan ahaa. Evra,, Never ma dhici doonto inaan Sharadkaas marnaba weeydiiyo Saaxiibkeey Vidic maxaa yeelay isaga ayaaba murugeeysan oo Nasiibdaradii Rigooradii uu cunay sabab u noqotay inuu Qarankiisa haro,, Halkaan ka Daawo Ciyaarta oo u dhacday sidii uu Evra u sheegay http://www.youtube.com/watch?v=dD51-m8PjyU . *** Mid ka mid ah Xulalka Dunida ugu yar oo lagu magacaabo Venezuela ayaa wexeey ku Baashaashay Xulkii uu hogaaminaayey Laacibka wata Jagada xiddiga ugu wanaagsan caalamka waa Leo Messi (Argentina). Isreeb reebka koobka Adduunka World Cup 2014 oo si xiiso leh uga socda dalalka Laatiin America waxaa 1-0 lagu suul daaray Laacibiintii tirada badnaa ee Argentina. Goolka Taariikhiga ah ee Venezuela ku garaacday Argentina waxaa Daqiiqadii 61-aad Teesto qatar ah ugu saxiixay xiddiga kooxda At.Madrid Fernando Amorebieta. Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=P8TWPhzwDsM . Qaranka Argentina oo Caalamka looga yaqaan Gauchos waxaa daba dhigatay Saxaafada afka dheer qaasatan Jaraaidyada ugu caansan dhanka Ciyaaraha kubada cagta kuwaas oo Ciwaan uga dhigay kulankaan qoraalo eey ka mid yihiin sidan (Leo Messi darawal ama wade kama noqon karo qaranka Argentina maadaama Maskaxdii ciyaareed uu uga soo tagay Garoonka Fc Barcelona) Qaar ka tirsan Jaraaidyada Argentina ayaa wexeey si weeyn ugu kacsan yihiin Qaab ciyaareedka Leo Messi ee Qaranka Argentina wexeeyna soo qoreen sidan (Messi Boolo Argentina Bolo). Horaa loo yiri odayga Habarta la saar. waa yaabee maxaa Messi oo kaliyah ku diray ? aaway Laacibiinta tirada badan ee Ciyaartii Venezuela Garoonka iska dhex gur guuranayey? Mr.Cesar Farias Macalinka Qaranka Venezuela oo faraxsan waxa uu yiri sidan,, Qeeybtii labaad ee Ciyaarta waxaan Ciyaartooyda ku soo dhiira geliyey in Argentina oo la tumo eeysan aheeyn wax sidaas u sii weeyn waxaana loo baahan yahay Geesinimo iyo karti ayuu yiri Cesar Farias. Kooxaha kale ee Kulamada adag yeeshay ayaa wexeey isku macsalaameeyeen qaabkaan Hoose
| Bolivia Vs |
Kolombia |
1:2 |
|
Chile |
Peru |
4:2 |
|
Paraguay |
Uruguay |
1:1 |
|
Venezuela |
Argentina |
1:0 |
XULALKA LATIIN AMERICA OO MIN 2 KULAN CIYAARAY ISREEB REEBKA WORLD CUP 2014 WEXEEY U KALA HOREEYAAN QAABKAAN
| 1. |
Uruguay |
2 |
1 |
1 |
0 |
5:3 |
4 |
| 2. |
Argentina |
2 |
1 |
0 |
1 |
4:2 |
3 |
| 3. |
Ecuador |
1 |
1 |
0 |
0 |
2:0 |
3 |
| 4. |
Kolombia |
1 |
1 |
0 |
0 |
2:1 |
3 |
| 5. |
Peru |
2 |
1 |
0 |
1 |
4:4 |
3 |
| 6. |
Chile |
2 |
1 |
0 |
1 |
5:6 |
3 |
| 7. |
Venezuela |
2 |
1 |
0 |
1 |
1:2 |
3 |
| 8. |
Paraguay |
2 |
0 |
1 |
1 |
1:3 |
1 |
| 9. |
Bolivia |
2 |
0 |
0 |
2 |
3:6 |
0 |
FIIRO GAAR AH : Dalalkaan waxaa guruubkaan kore ka soo bixi doona ama loo qosheeyey 4-dal iyo dalka 5-aad oo kulan play 0ff ah la soo geli doono dal ka mid ah wadamada qaarada Asia. *** Xulka Qaranka Brazil wexeey si cajiib ah kaga badiyeen Qaranka Mexico xili Brazil eey ku dheelayeen 10 Ciyaartooy oo kaliyah .Brazil waxaa Gool Otareeto ah qarankiisa ka dhaliyey Xiddigooda David Luiz (Daqiiqadii 10-aad) waxaana sidoo kale Rooso laga siiyey Xiddiga Fc Barcelona Dani Alves. Dhamaadkii Ciyaarta ayeey Qaranka Brazil Ciyaartii ka dhigeen 1-2 waxaana labada gool u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Ronaldinho (79.) iyo Marcelo (83.).
Waa guuldaradii ugu horeeysay oo dhabarka loo saariyo Macalinka Mexico Mr.Jose Manuel de la Torre oo 15-kulan oo Xiriir ah aanan arag wax Guuldaro ah.
Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=edw1lA1l-mU . *** Telefishinada dalka Mareeykanka oo ayaantaan faan ku jiray waxaa Tababarihii eey faanin jireen ee cusbaa (Jürgen Klinsmann ) guuldaradii 3-aad dhabarka u saartay Qaranka Ecuador.
Mareeykanka oo ku ciyaaraayey Harrison/New Jersey waxaa goolka ka dhaliyey daqiiqadii 79-aad Ciyaaryahan Jaime Ayovi ( USA Vs Ecuador 0-1).