Juventus oo kooxda Bayer Liverkusen kala soo wareegtay Xiddig Qadka dhexe aad ugu wanaagsan ,* Goolhayihii Qaranka Uruguay ee Koobka Qaarada America wacdaraha ka dhigay oo SS Lazio gacanteeda ka baxay,* Lucio oo ku sii jeeda Al Ahli (+ Warar kale)
*** Kooxda kubada cagta ee Juventus oo mudooyinkaan dambe isku aragtay Lacag xoogan ayaa wexeey si toos ah heshiis ula saxiixatay xiddiga Qaranka Chille iyo kooxda Bayer Liverkusen ee horyaalka Germany Arturo Vidal.
Ciyaaryahankaan oo 24 sano jir ah waxaa kooxda Juventus ku heeystay oo kaga horeeyey doonistiisa kooxaha kala ah Fc Bayern Munchen, Inter Milan, Fc Valencia & Hambrug. Arturo Vidal oo koobkii Adduunka wacdaro ka soo dhigay hadana Horyaalka Germany dhanka qadka dhexe cel celis noqday wuxuu kooxda Juventus u saxiixay Heshiis 5-sano ah.
Kooxda Juventus ayaa sidoo kale saacadaha soo socda ku dhawaaqi doonto ineey si toos ah ula soo wareegtay Laacibka Qaranka Talyaaniga iyo kooxda FC Villarreal ee horyaalka Spain waa Ciyaaryahan Giuseppe Rossi oo Juventus eey ku soo wadato Adduun gaaraya 24 Milyan oo Euro.
*** Goolhayihii Qaranka Uruguay ee Koobka Qaarada America wacdaraha ka dhigay oo Lazio laga fara marooqsaday.
Kooxda SS Lazio ee horyaalka Talyaaniga waxaa gacanteeda ka baxay Mucjisada cusub ee dhanka Goosha mudooyinkaan ugu dambeeyey kacsnaa waa Boortaha Hada koobka Qaarada America ( Copa America 2011) Qarankiisa Ciyaarta Fiinaalka ah soo istaajiyey ama gaarsiiyey Laacib Ciyaaryahan Fernando Muslera.
Goolhaye Fernando Muslera waxaa gacanta ku dhigtay oo si toos ah ula wareegtay Kooxda caanka ah ee Horyaalka Turkiga waa Galatasaray Istanbul. Goolhaye Fernando Muslera oo 25 jir ah wuxuu kooxda Galatasaray Istanbul u saxiixay 5 sano heshiis ku kacaayo.
*** Difaaca Qaranka Brazil & Kooxda Inter Milan ee Horyaalka Talyaaniga Lucimar da Silva Ferreira Lucio ayaa markii Qarankiisa Brazil laga soo reebay Tartanka koobka Qaramada America oo si xiiso leh uga socda dalka Argentina waxaa isku kooleeysay kooxda ugu tunka weeyn horyaalka dalka Masar waa Al Ahli.
Lucimar da Silva Ferreira Lucio oo 33 jirsaday wexeey u badan tahay in kooxda Inter ee si hadal la ahaan ah iskaga fasixi doonto maadaama eey keensatay Difaacyo aad u yar yar oo u safta Juunyerka Qaranka Talyaaniga.
*** Koobka Qaramada America waxaa Finaal soo caga dhigtay Uruguay oo Cel celis noqotay mudooyinkaan dambe.
Weraryahanka Fc Liverpool Luis Suarez ayaa u xaqiijiyey qarankiisa ineey Finaalka isa soo taagaan . Dalka Uruguay waa wadan aad u yar oo dadka degan eey ka kooban yihiin kaliyah 3,5 Milyan oo qof balse wexeey heeystaan 2-jeer koobka ugu qiimaha badan ee World Cup-ka wexeeyna qaadeen Sanadihii 1930 iyo 1950.
Sidoo kale dalkaan yaraanta badan ee Uruguay wexeey koobka qaramada Amerika heeystaan 14 jeer waxaana lagu wadaa Maalinta Axada ah ee fooda inagu soo heeyso ineey markoodii 15-aad funaanada ku toshtaan waa hadii eey Venazuela ama Paraguay kii soo baxa dhulka la simaan. Halkaan ka Daawo Ciyaartii Peru Vs Uruguay >>> http://www.youtube.com/watch?v=J1Pamv10yus
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com