La Yaab : Wargeeysyada ka soo baxa Dalalka Talyaaniga & Jarmalka oo isku raacay in Ciyaaryahan Mark van Bommel uu yahay Xiddiga ugu Adkeeysiga yar Ciyaartooyda hada jirta waliba ugu Qatarta badan. * Van Bommel wuxuu dhaawacaa oo labo cad ka dhigaa Ciyaartooyda ka soo horjeedo (Halkaan ka Daawo War bixinta Mark Van Bommel oo aan idiin soo aruurinay weliba xambaarsan wax aan lagu arag Garoomada dhexdooda)
Barnaamishka Taxanaha ah ee La Yaab waxa uu maanta Shiishka saaray Qoraaladii ugu Xiisaha badnaa ee Jaraaidyada ka soo baxa dalalka Talyaaniga & Jarmalka ka qoreen Van Bommel. Wargeeysyada Qisada La Yaabka Mark Van Bommel ku raaxeeystay ayaa wexeey kala ahaayeen Bild Sport iyo La Gazzetta dello Sport.
Mark Peter Gertruda Andreas van Bommel waxaa uu dhashay 22-kii April 1977 waana 33-jir u dhashay dalka Holland una Ciyaara Qaranka Holland iyo kooxda Ac Milan.
Mark Van Bommel waxa uu u soo kala ciyaaray kooxaha eey ka midka yihiin Fortuna Sittard, Psv Einhoven, Fc Barcelona , Fc Bayern Munchen iyo Ac Milan oo uu dhawaan ku biiraay. Jaraidyada waxa eey leeyihiin Marka Van Bommel waa Ciyaaryahan aad u Dabeecad xun oo dulqaadkiisa Sport uu yar yahay.
Van Bommel Horyaalka Germany waxaa looga yaqaanay sidan : (Schlimmer-Bommel) oo macnaheedu yahay Xume-Bommel wuxuuna qaadan jiray sida caadada ah Ciyaar kasta inta badan Jalle ama Rosso mana dhicin 4-ciyaarood oo isku xigto oo aan loo taagin Jalle ama Rosso.
Jaraidka waxa eey leeyihiin Van Bommel waa Xiddiga kaliyah ee ka fahmay ciyaarta kubada Cagta Qalad, xiliga ciyaartooyda ka soo horjeedo kubada la dhafaan uma dhaafo oo wuu qalaa lana Simaa dhulka waxaana inta badan laga saaraa garoomada Ciyaartooyda uu qalo iyaga oo qaar ka mid ah Barooranaya ama Oonaya !! Halkaan ka Daawo isaga oo Cristiano Ronaldo Lugaha iskugu taabtay xili uu kubad la dhaafay >>> http://www.youtube.com/watch?v=2s-424Uvsn0.
Mark Van Bommel ma ahan Qalaa oo kaliyah ee waa sidoo kale Quuqle waxa eey Soomaalida u taqaan oo loo la jeedo Qofka Buuqa iyo Qeeylada iska jecel oo maanta oo dhan aan ka daalin hadal iyo xumaan is daba joog ah oo aaqiritaanka sababta Dagaal gacan ka hadal ah . >>> Halkaan ka Daawo isaga oo Didier Drogba Caay iyo is riixid raaxada uga qaaday iyo Drogba oo is leh Qaranjuufo isaga reeb ciyaaryahankaan dhibka badan ayaa waxa uu gacanta la helay meel halis ah oo Van Bommel Caaydii uu doonayey ah : http://www.youtube.com/watch?v=I4ImFGJRRoE&feature=related.
Inta badan Jaraidka dalka Germany ayaa wexeey Van Bommel ka qoraan markii uu 2 Isbuuc ka hor u wareegay kooxda Ac Milan ee horyaalka Talyaaniga kana tagay kooxda Fc Bayern Munchen hadalo La Yaab ah oo aanu ka soo qaadan karno sidan : Dilaagii Budesliga oo Gattuso Daris la noqday !! Van Bommel ma la qabsan doona Horyaalka Talyaaniga iyo Ciyaartooyda Talyaaniga oo ebid iyaga laga keenay Qiyaanada iyo is Qalida ? ..
jaraidka Talyaaniga ayaa igana wexeey Mark Van Bommel ka qoreen hadaladaan La Yaabka badan maadaama uu ciyaartiisii ugu horeeysay ee kooxda Ac Milan la yeelatay Isbuucii la soo dhafay kooxda Catania Calcio lagu soo dhaweeyey 2-Jalle oo Aqiritaankii isku noqday hal Rosso. Wargeeysda Talyaaniga waxa eey leeyihiin sidan : Dilaa ku soo biiray Ac Milan , Yuu ka taqluusi doonaa? .. Robbinho oo ka naxsan ku soo biirida kooxdiisa Ac Milan uu ku soo biiray Van Bommel maadaama eey horay iskugu soo dagaaleen World Cup 2010 (Holland Vs Brazil) Van Bommel iyo Gattuso oo Quuqle kale ah ma heshiin doonaan ? Van Bommel muxuu Milan ku soo kordhin karaa oo aan ka aheeyn inuu Rosso iyo Jalle u soo jiido ma ahane?
Halkaan ka Daawo isaga oo Laacib Robbinho oo hada isku koox eey noqdeen is jiid jiid raaxada uga qaaday iyo Robbinho oo kubada ka haray kuna xanaaqay Van Bommel oo ku sigtay feer ama Candhuuf uga timaado Robbinho >>> http://www.youtube.com/watch?v=3nBCEUj4xF4&feature=related.
Halkaan ka Daawo Zlatan Ibrahimovic oo kubada ku shuuday Van Bommel kuna yiri sidan sida wariyaha uu sheegay : " Mar dambe hadaad dhaqan xumadaada ila soo gashid waxaa kugu dhici doono wax aadan waligaa Garoomada dhexdooda ku arag . Ciyaartaan oo eheed mit dhex martay Qaramada Holland Vs Sweden ayaa waxaad muuqaalka kaaga cadaan doonto in Mark Van Bommel uu wax yar ka cabsaday Ibrahimovic maadaama Laacib Zlatan Ibrahimovic uu Qudhiisa yahay Quuqle kale oo inta badan aan ciyaartooyda Qalin balse is jiid jiidka jecel Daawo Yaabkaan Labo Quuqle oo is Qalay >>> http://www.youtube.com/watch?v=cvjmg-j-Hk4&feature=related.
Halkaan ka Daawo Ceebtii ebid ugu weeyneed ee Van Bommel qabsata > Van Bommel oo Fooro ama kubad ka baxday laga dhigay ayaa waxaa uu Xusul u dhiibay Xiddiga kubada xaqa u lahaa oo doonayey inuu banooniga kala wareego Van Bommel balse intaas ka dib Alabiitaraha ayaa Van Bommel Jaalle oo kaliyah u dhiibay ka dibna Van Bommel ayaa Alabiitaraha ku yiri oo tusay Gacantisa ineeyAlabiitaha gasho wuxuuna ku yiri sidan " Fuck You !! waxaana isla markiiba loo dhiibay ama loo taagay Rosso uu muteeystay ka dibna xanaaq dartiis wuxuu u cararay Kabiinaha >>> inta ka Daawo Qisadaan La Yaabka badan : http://www.youtube.com/watch?v=soNM3uiIOag.
Filo Goor dhaw warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News iyo + Faalo ku saabsan horyaalada iyo Koobabka qaar ka mid ah dalalka Yurub oo la ciyaaray. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!